Madax weynaha Federaalka Mudane xasan sheikh oo kalan layeshay Madax weynaha shiinaha Xi Jinping
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta oo Jimce ah kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ka qeyb galay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, sare u qaadida heerka iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, ilaalinta midnimada shucuubta labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa ballan qaaday
Madaxweynaha Shiinaha ayaa ballan qaaday inuu fulin doono ballanqaadyada dalkiisa ee ku aaddan maalgashiga Soomaaliya, isagoo ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay ku taageerayaan 200 milyan oo Yuan si loo fuliyo qorshayaasha mudnaanta leh ee Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ku soo aaday
Kulanka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ku soo aaday xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb galayo shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, kaddib markii labada dal ay gaareen heshiisyo la xiriira horumarinta Soomaaliya.
0 Comments