Booliska oo shaaciyay arrin cajiib ah oo ku kaliftay inuu soo xiro dadkii ugu badnaa

 

Booliska muqdisho ayaa soo xertay dad ka badan 40 qof

Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 40 qof toddobaadkii ugu dambeeyay, kuwaasi oo ku eedeysan falal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne iyo faafin anshax xumo.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyay in sababta ka dambeysa inay soo xiraan dadkaas aadka u badan maalmo gudahood, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb dowladnimada kamid tahay.

 coodanka booliska Somaliyeed oo qoraal soo saaray

“Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asuubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Taliska Qaybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Dadkan oo dhammaantood horey uga soo muuqday telefishano maxali iyo baraha bulshada ayaa jeediyay haddallo ay ku durayaan go’aanno maxakamadeed oo soo baxay, hanjabaado loo jeediyay madaxda dowladda iyo warar u muuqaday kicin qabyaaladeysan.

Dadka 40-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal-celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.

Dad 40 Qof ka daban ee Booliska Soo xeray

Hoos ka aqriso qoraalka booliskaSababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada.Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ahCiidanka Booliiska waa Hooyada Ciidamada Qalabka sida, waana ciidankii ugu horeeyay ee dalkeennu yeesho, ciidanka Booliisku waa Barbaariye, dhise iyo Badbaadiye.

Wada shaqeen wacan Bulshooy.

MAHADSANIDIIN

Post a Comment

0 Comments