Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatah sanduuqa caalamiga ee horumarinta

deen

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatah sanduuqa caalamiga ee horumarinta

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatah sanduuqa caalamiga ee horumarinta beeraha, kaasi oo Soomaaliya lagu siinayo lacag dhan $31.22 Milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa loogu tala-galay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga, ayada oo la marsiin doono barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP).

Tallaabadan ayaa ku timid isbeddelka hanaanka dowliga

Tallaabadan ayaa ku timid isbeddelka hanaanka dowliga ee Soomaaliya iyo deyntii dhawaan dalka laga cafiyay, sida uu sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
“Soomaaliya waxaa u furmay maal-gashiga iyo mashaariicdii horumarinta 

kadib dayntii dalka laga cafiyey.

 kadib dayntii dalka laga cafiyey. IFAD waxay dalka dib ugu howl-galaysaa burburkii dalka ka dib,, taas oo ka shaqaysa horumarinta beeraha,” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo la hadlay BBC.Sidoo kale waxa uu sheegay in mashruucan malaayiinta doolar ku kacaya lagu hagaajinayo nolosha beeralayda, islamarkaana laga caawinayo dabeecadaha isbeddelka cimilada iyo adkaysigooda.

Post a Comment

0 Comments