Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed
Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta xirtay dharka tuutaha ciidamada, isaga oo kadib tegay difaaca hore ee laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.
Lafta-gareen oo ay wehlinayeen saraakiisha ammaanka
Lafta-gareen oo ay wehlinayeen saraakiisha ammaanka ee maamulkiisa ayaa kormeeray baraha kantroolada ee laga ilaaliyo amniga magaalada, si uu usoo qiimeeyo xaaladda guud.
Xubnaha wehlinayay waxaa kamid ah wasiirka amniga, taliyaha qeybta 60-aad ciidanka Xoogga dalka
Taliyaha Ciidanka booliska, qeybta gobolka Baay, taliyaha saldhiga
Taliyaha Ciidanka booliska, qeybta gobolka Baay, taliyaha saldhiga degmada Baydhaba iyo taliyaha ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.Sidoo kale wuxuu ciidamada ku sugan furumaha hore kula dardaarmay inay xoojiyaan sugida amniga iyo ka hortaga weerarada ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab.
0 Comments