Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA

mahad salaad

 Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA

Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta qaaday tallaabo deg deg ah oo ku aadan falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu beegsday xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha oo booqasho ugu tegay ciyaariyahannada Koonfur Galbeed


Taliyaha oo booqasho ugu tegay ciyaariyahannada Koonfur Galbeed iyo hoggaankooda ayaa raalligelin buuxda ka siiyay falkii shalay lagula dhaqaaqay, kadib markii ay weerar ku qaadeen koox kamid ah dadweynihii tegay garoonka ee daawanayay ciyaartii soo dilaatay.


Mahad Salaad waxaa booqashadaan ku wehlinayay wasiirka


Mahad Salaad waxaa booqashadaan ku wehlinayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, waxaana la sheegay in inta badan la qanciyay xulka Koonfur Galbeed oo horay u sheegay inay ka baxeen tartanka.


Post a Comment

0 Comments