Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbad uu ka jeediyey Masjidka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah khudbad uu ka jeediyey Masjidka wuxuu kaga hadlay wixii Jabuuti u dhex maray isaga iyo Muuse Biixi, intii uusan dhicin heshiiskii badda ee Addis Ababa.
Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in isaga iyo Muuse Biixi
Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in isaga iyo Muuse Biixi ay u wadahadleen si walaalnimo ku jirto, iyadoo dhinac kasta uu miiska soo saaray doonistiisa.“Muuse Biixi Jabuuti ayaa isugu tagnay toddobaadkii hore, wadahadaladeenu jiho fiican ayey u socdeen, kala duwanaasho waa qabnay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in isaga iyo Muuse Biixi ay isisoo hor fariistaan oo ka wadahadlaan masiirka Soomaaliya iyo Somaliland
Muuse Biixi wuxuu na yiri aqoonsi ayaan rabnaa, anaguna waxaan dhahnay midnimo ayaan rabnaa, waxaan dhahnay aan ka wadahadalno oo midnimada noo hormariya, adduunyada dhan ayaa hadda wax isku darsaneysee, anaga oo Soomaali
0 Comments