Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu gaaray magaalada Washington D.C.

Madaxwayne Xasan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan  Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka si ay uga qeyb galaan shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dalalka xubnaha ka ah ay ka hadli doonaan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.


Madaxweynaha ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doona sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka iyo taageerada beesha caalamka ee wejiga labaad ee dagaalka dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona madaxda Mareykanka iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii taageero caalami ah loogu heli lahaa dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii xasillooni loogu heli lahaa deegaannada laga saaray argagixisada iyo sidii loo heli lahaa adeegyada bulshada.

Post a Comment

0 Comments