Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York si uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.
Booqashada Madaxweyne Xasasn ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo cusboonaatay dadaallo lagu dalbanayo in Qaramada Midoobay laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo 1992-kii.
Mas’uuliyiinta ayaa rajeynaya in madaxweynaha uu ka warbixiyo horumarka laga gaaray qorshaha kala guurka ah ee ciidamada Afrika oo si tartiib tartiib ah uga baxayaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale carabka ku adkeynaya guulihii laga gaaray dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.
Ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay si buuxda ula wareegto arrimaha amniga qaranka iyo in la sameeyo hay’ado amni oo isku kalsoon oo awood u leh in ay dalka ilaaliyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in qaadista cunaqabateynta hubka ee jirta in ka badan sodon sano ay muhiimad weyn u leedahay horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya.
0 Comments