Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ka hadlay ganaaxii uu kala kulmay kooxda Kadib markii uu jaray tababarka isla markaas aaday dalka sucuudiga isaga oo aan ogolaansho ka haysan.
Messi ayaa dusha laga saaray ganaax 2 todobaad oo mushahar la’aan ah iyo waliba in uuna ciyaarin tababarna qaadan muddo 2 todobaad ah.
Lionel Messi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan u malaynayay in aanu fasax ka nahay tababarka ciyaarta kadib sidii aan horay u samaynay”.
“Waxa aan diyaariyay safarka mana awoodin in aan kansalo, sababta oo ah horay ayaan u kansalay safarka”.
“Waxan doonayaa in aan raali galiyo taageerayaasha iyo xiddigaha aan isku kooxda nahay, haatan waxa aan sugayaa sidii aan horay ugu socon lahayn iyo waxa ay kooxdu doonayso in ay igu samayso”.
0 Comments