Imaaraadku wuxuu raacay hab joogto ah iyo aragti adag oo lagu taageerayo hawlaha bini'aadantinimo ee loogu talagalay dadka tabaalaysan iyo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey ee ku nool daafaha dunida, iyadoo dalku uu qaatay door hoggaamineed oo ku aaddan dhinacyada hawlaha bani'aadamnimada iyo gargaarka horumarinta ee heerarka kala duwan ee dalal kala duwan.
Wuxuuna Imaaraadku dadaalka aan xadka lahayn ku bixiyaa gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa la billaabi doonaa olole lagu doonayo in lagu bixiyo dadaallada Imaaraadka ee dhinaca samafalka.
Mashruuca Bini_aadantinimada ee Imaaraadku waxay ugu tala galeen hal bilyan oo cunto ah si loo yareeyo gaajada loona bixiyo haqab-beelka cuntada iyadoo ay ku jirto Shixnad mucaawino ah oo Imaaraadku ugu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya .
Hay’adaha Samafalka ee Imaaraadka Carabta , ayaa wada sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya si si baaxad leh loogu gurmado, iyadoo dhowr Markab oo sida Raashin kala duwan horay loogu soo diray Soomaaliya.
UAE waxay bixisaa gargaar degdeg ah dhammaan waddamada adduunka ee ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, Waxayna door muhiima ka qaadataa xoojinta wax ka qabashada bini-aadantinimada iyo taageerada dadaallada lagu bixinayo baahiyaha aasaasiga ah. Waxay sidoo kale dadaal ku bixinayaan inay gargaarka siiso dalalka soo koraya ee u baahan in la caawiyo.
0 Comments