Graham Potter Oo Ka Fal Celiyay Ku Aadistii Ay Kooxdiisu Ku Aaday Real Madrid Champions League.

 

potter

Tababaraha Chelsea Graham Potter ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu wajaho Real Madrid  wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.


Blues oo haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League ayaa u baahan in ay ka gudubto kooxda difaacanaysa Champions Leaque-ga si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka champions League.


Chelsea ayaa garaacday Real Madrid xilli ciyaareedkii ay u guulaystay champions League sanadkii 2021 Laakiin Real ayaa reebtay chelsea xilli ciyaareedkii hore.


Markii wax laga waydiiyay Potter dareenkiisa ku aadan ku aadista ay kooxdiisu ku aaday Real Madrid ayaa yidhi”Dareenku waa farxad”.


“Waxan horay u sheegay in aan isku dayi doono ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan”.


‘Waxaan diirada saari doonaa Real Madrid marka aan halkaas gaarno laakiin waqti xaadirkaan fikirkayagu waa beri iyo Everton. Waxaan doonayaa in aan diirada saarno kulanka Everton”.

Post a Comment

0 Comments