Kooxda Arsenal ayaa bar-baro kala soo laabatay Portugal kadib markii ay dhaafi waayeen kooxda Sporting Lisbon kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka Europa League.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal doonaysay in ay sii wadato wacdaraha xilli ciyaareedka isla markaas gaadho guul muhiim u ah ka hor lugta dambe.
Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Sporting Lisbon ku fiicnayd weerarada rogaal celiska ah oo ay ku doonaysay goolal.
Daqiiqadii 22-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Daafaca uga ciyaara ee Wiliam Saliba kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Sporting Lisbon ayaa bilowday in ay raadiso wado ay ugu soo laaban lahayd kuna dhalin lahayd goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 34-aad ayay dhaliyeen goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Goncalo Incio kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro xilli ay mid walba si gaar ah u dadaashay.
Qaybtii dambe ayay Sporting ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonaya in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 55-aad ayay Sporting dhalisay goolka 2-ad waxana u dhaliyay xiddiga Paulinho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Sporting ku horayso.
Arsenal ayaa bilwoday in ay raadiso goolka bar-baraha xilli ay weeraro aan kala joogsi lahayn qaadayeen.
Daqiiqadii 62-aad ayay Arsenal heshay goolka bar-baraha waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Hidemasa Morta oo u ciyaarta Sporting.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal bar-baro kala soo laabatay Sporting Lisbon kulanka lugta hore ee Europa League.
0 Comments