Imaaraadka Carabta ayaa ku biiray saxiixayaasha kale ee Golaha Ammaanka ee ballanqaadyada wadajirka ah ee arrimaha haweenka, nabadda iyo amniga; Waxa ay ugu baaqeen Ergada Qaramada Midoobay in ay gargaar siiso Soomaaliya, si loo helo jawaab bini'aadantinimo oo ka kooban jinsiga, iyo in loo abuuro jawi ammaan ah haweenka iyo gabdhaha.
In sidaas la sameeyo ayaa ah mid aad muhiim u ah, gaar ahaan marka la eego weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, kororka khatarta ah ee heerka xad-gudubyada galmada iyo jinsiga, iyo abaaraha ka jira Soomaaliya, kuwaas oo si isku mid ah u saameeya haweenka iyo gabdhaha.
Imaaraadka Carabta oo ay wehlinayaan Saxiixayaasha ayaa soo dhaweeyay daah-furka Qorshe Howleedka Soomaaliya ee lagu dhaqan gelinayo Axdiga Haweenka Soomaaliyeed, Qorshe Howleedka Qaran ee Qaraarkii Golaha Ammaanka ee No.1325 iyo Hindisaha ay qaadeen Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo qeyb ka ah ololaha 16-ka maalmood ah ee lagula dagaalamayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
0 Comments