Maxamed Bin Salman oo labo arin kala hadlay Xasan Sheekh


Maxamed Bin Salman & Xasan Sheekh

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa qaabiley Madaxweyne Xasan Sheekh oo Riyadh uga qeybgalay Shirka  Carabta iyo Shiinaha.


Villa Somalia ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu uga warbixiyay Maxamed Bin Salman xaaladda dalka iyo isbedellada dowladdiisa ay sameynayo, amniga iyo dhaqaalaha.


Dhaxal Sugaha ayaa ku bogaadiyay Maamulka Xasan Sheekh dagaalka ay dalka uga xoreynayso Al-Shabaab iyadoo isku tashanaysa, oo dadkeedana kaashanaysa.


Maxamed Bin Salman ayaa sheegay in Sacuudiga uu taageeraya dadaallada dowladda, si ay uga miradhaliso halganka dib u xoreynta iyo dib u dhiska dalka.


Sacuudiga ayaa hadda ahmiyad gaar ah siinaya xiriirka Soomaaliya oo mudadii Farmaajo uu aad u xumaa.


Xasan Sheekh ayaa kusoo jerda Washington oo uga qeybgalayo shirka Mareykanka iyo Africa oo dhacaya 13ka illaa 14ka bishan.

Post a Comment

0 Comments