Sida ay masasku u cunaan dadka

 

Mas

 Haweeney ku nool gobolka Jambi ee dalka Indonesia, ayaa la sheegay in uu dilay oo uu gebi ahaanba liqay mas, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha waddankaas. Balse sidee ayuu masku u cuni karaa bini'aadamka?


Jahrah, oo da’deeda lagu sheegay 50 sano jir, ayaa subax Axad ah waxaa soo weeraray mas ayadoo ku sii jeedda beerteeda.


Haweeneydan ayaa la weysanaa, maalin ka dibna, shacabka ku nool tuuladaas ayaa arkay jibiso calooloosheedu aad u weyntahay, waa ay dileen, ka dibna waxay ka soo dhex saareen meydka haweeydaas.


"Dhibanaha waxaa laga soo dhex saaray caloosha maska," ayuu taliyaha booliiska Betara Jambi, AKP S Harefa u sheegay warbaahinta gudaha.


Wax nabara ah ama dhaawac kama muuqan meydkeeda , ayuu intaas raaciyay. Maska ayaa dhererkiisu ahaa ugu yaraan shan mitir, sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Inkastoo dhacdooyinkan oo kale ay yihiin kuwo naadir ah, haddana ma ahan markii ugu horreysay oo ay ka dhacdo dalka Indonesia.


Laba qof ayaa hore loo sheegay in sanadadii 2017-kii iyo 2018-kii, uu mas cunay.


Qaabkee masku wax u weeraraa?



Masaska dadka ku dilay Indonesia shantii sano ee la soo dhaafay, ayaa la rumeysan yahay inay yihiin nooc ka mid ah masaska waaweyn ee laga helo Koonfurta iyo Koonfur-Bari Aasiya.


Waxay gaari karaan in dheerir ka badan 10 mitir (32 feet) waana kuwa aad u xoog badan oo dadka u soo weerari kara  si gaadmo ah.


Waxaa jirta in masaska qaar ay leeyihiin mariid ama sun aad u badan oo marka uu qofka qaniino markiiba uu jirkiisa saaqayo islamarkana uu wax u dhimo neef mareennada.


Qaarkood waxay dadka u dilaan qaab cajiib ah, taas oo ah inay naqaska ku celiyaan qofka, markaasna waxaa daqiiqado ka dib istaaga wadnaha.


Masaska loo yaqaanno Jebisada waxay si buuxda u liqaan hadba waxa ay markaas cunayaan iyagoo aan calalin.  


Dhanka kale, waxaa jira mas dhimasho deg deg ah keena haddii ay qofka qaniinaan.


Ma cunaan xayawaanada kale ee ka waaweyn?


"Masaska Jibisada waxay inta badan ku nool yihiin ama cunaan xayawaannada laf dhabarta leh oo keliya inkastoo mararka qaar ay cunaan xayawaannada xamaaratada ah, oo ay ku jiraan yaxaasyada," ayay tiri Mary-Ruth Low oo ku takhasustay xayawaannada, gaar ahaan yaxaasyada.


Waxa ay ugaarsadaan waxa ku jira xayawaano waaweyn sida doofaarka ama xataa lo'da.


Mararka qaarkood waxaan la ogaan karin qiyaasta cuntada ee ay cunaan.


Bisha July sanad walba waxaa loo dabaaldagaa  maalinta maska ​​adduunka.


Post a Comment

0 Comments