Jabuuti- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa garoonka diyaaradaha Ambouli ee dalka Jabuuti ku qaabilay, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan dowladdiisa, saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, waxaana uu tilmaamay in socdaalkan uu bilow u yahay hagaajinta xiriirka labada dal, iyo xoojinta aasaaska dhaqaale iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana uu khudbad ka jeedin doonaa Baarlamaanka dalka Jabuuti, isagoo uga xog waramaya xaaladda Soomaaliya iyo duruufaha ku xeeran, muhiimadda xiriirka taariikhiga ah. labada dal iyo doorka wadajirka ah ee ay ku leeyihiin horumarka iyo xasiloonida gobolka.
0 Comments