Heesaha ugu caansan ee lagu xasuusto Hadraawi waxaa kamid ah: Baladwayn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar. Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaanki lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec. Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool. Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee Fannaanki Maxamed Nuur Giriig. Iyo kuwa kale oo badan.
Qaar kamid ah heesaha uu sameeyane waxaa lagu tarjumay luqado kale. Gabayadiisana waxaa kamid ah: Gudgude, Daalallay, Daba huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt. Silsiladdi Sinlay oo uu qayb ka ahaa, iyo kuwa kale oo badan.
Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi sanadki 2012 wuxu ku guulaystay abaalmarinta Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo heesaha waxtarka u leh bulshada ee uu sameeyay. Hadraawi iminka wuxuu ku noolyahay magaaladi uu ku dhashay ee Burco.
0 Comments