Nin xamaali ka ahaa gobolka Orissa ee dalka Hindiya ayaa haatan noqday xiddig caan ka ah barta Youtube-ka kadib markii uu shaqo la'aan noqday xilliggii uu dunida saameeyay safmarka Karoona, haatan waa nin caan ka ah baraha bulshada, sida uu kusoo warramayo weriyaha BBC-da ee Hindiya, Sandeep Sahu.
Isaaq Munda wuxuu muuqaalkiisii ugu horreeyay soo dhigay You Tube-ka bishiui March ee sanadkii 2020, xilliggaas uu ku jiray nolol adag maadama uu cOvid-19 si ba'an u saameeyay dunida, waxaana guud ahaan Hindiya lagu soo rogay bandow looga hortaggayo fiditaanka Cudurka, shirkaddii dhismaha uu shaqeyn jiray ayaa howlaheedii joojisay, Isaaq waxaa lasoo deristay shaqo la'aan.
Carruurtiisa waxay barta Youtube-ka ka daawan jireen Kaaruunada maddadaalada ah, Isaaq wuxuu halkaa ka maqlay xayeysiin ah sida dadka ay lacag uga sameyn karaan Youtube-ka marka ay muuqaalladooda dhigaan halkaas.
Wuxuu markii bilaabay sidii uu u sameyn lahaa bar Youtube oo isagu gaar ah si uu u geliyo muuqaallo u gaar ah, wuxuu geliyay kuwa ka hadlayo cuntada.
Muuqaalkii ugu horreeyay ee uu dhigay Youtube-ka, Isaaq waxaa la arkayay isaga oo heysto saxan ay cunto ka buuxdo- waxaa sidoo kale la arkayay isaga oo cuntadii boobayo dadkiina salaamayo.
"Muddo toddobaad ah, muuqaalkii aan dhigay Youtube-ka cid daawatay ma jirin, waana ka naxay tallaabadaas" ayuu yiri Isaaq.
Wuxuu mar kale Youtube-ka soo dhigay muuqaal kale, wuxuu ogaaday in dadka halkaa wax soo dhigo ay muuqaallooda ku baahiyaan baraha bulshada si loo daawado.
"Waxaan akoon ka furtay bogga Facebook, waxaan ku faafiyay muuqaalladeyda, marka wey shaqeeyeen ilaa 12 qof ayaa daawatay muuqaalladeyda"
Dhawaan waxaa si weyn u baahay muuqaall ku saabsan cunto ka caan ka ah gobolka Orissa ee Hindiya oo la yiraahdo basi pakhala.
"Maalmo gudahdood, waxaa barteyda Youtube-ka kusoo xirnaatay in ka badan 20,000 qof, dad badan oo kasoo kala jeeda dunida gaar ahaan Mareykanka, Brazil, Mongolia ayaa daawatay muuqaalladeyda"
Arrintan ayaa noqotay mid sii dhiiregeliuso Isxaaq oo markii hore ka xamaalan jiray dalkaas.
Labo sano, barta Youtube-ka Isaaq Munda isla markaana uu kusoo bandhigo cuntooyinka waxaa ku xirnaatay in ka badan 800,000 qof, waxaana muuqalladiisa daawatay in ka badan 100 malyan oo qof, Isaaq haatan wuxuu u muuqdaa qof ka macaashay Youtube-ka, xitaa waxaa la arkayay isaga oo iska duubayo muuqaallo xilli uu ku sugnaa munaasabado ka dhacay dalkaas.
Sanadkii lasoo dhaafay, waxaa muuqaaladiisa cunto dhaqameedka ammaanay Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi kuwaas oo si weyn looga falceliyay baraha bulshada Hindiya.
0 Comments