Caasim Axmed oo 35 jir ah kana soo jeedo magaalada Newcastle dalka Ingiriiska ayaa wuxuu sanadkii 2019 mid kamid ah kalyahiisa ugu deeqay qof uusan garaneyn.
Tan iyo markii uu dunida saameeyay caabuqa Covid-19 waxaa uu hoos u dhacday tirada dadka kelyahooda ugu deeqayo dadka kale ee xanuunsan ee markaa baahida u qabo arrintani.
Waaxda adeegga qaran ee UK waxay ugu baaqeysay shacabka dalkaas inay ka fakaraan sidii ay deeq ahaan ugu bixin lahaayeen kelyahooda isla markaana ay tahay in go'aankaa ay la wadaagaan ehelkooda ama asxaabtooda.
Caasim wuxuu sheegay in arrintani ay fududatahay balse ay sidoo kale tahay dooq si taxadar leh looga baaraandegi karo.
Qofka caafimaadka qaba wuxuu ku noolaan karaa nolol caadi ah isagoo leh hal keli oo shaqeynaya, Azeem ma garanayo cidda uu kelidiisa ugu deeqay balse wuxuu ogyahay in uu baadbiyay nolol.
0 Comments