Dalalka si guul leh ugu soo baxa Koobka Adduunka ee FIFA
Dalalka si guul leh ugu soo baxa Koobka Adduunka ee FIFA waxay helaan sharaf weyn oo ay dunidu u hayso, sidoo kale faa'iidooyin dhaqaale iyo farxad weyn ayaa soo wajahda shacabkooda Tani ma aha oo keliya guul ciyaareed, balse waa guul saameyn ku leh siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo isku duubnida bulshada Koobka Adduunka 2026, FIFA waxay qorsheysay inay u qaybiso in ka badan hal milyan oo doollar dalalka ka qeybgalaya, iyadoo koox kasta heli doonto ugu yaraan hal milyan oo doollar xitaa haddii aysan ka gudbin heerka guruubyada.
Ciyaaryahanada ugu sarreeya Afrika ee aan ka qayb galayn Koobka Adduunka 2026
2 Maajo 2026
Waa kuwee dalalka waaweyn ee sanadkan ka haray tartanka Koobka kubadda cagta Adduunka?
2 Abriil 2026
Sidee ayay rabshadaha Mexico u saamayn karaan Koobka Adduunka?
24 Febraayo 2026
End of content
Faa'iido dhaqaale
Tartanka Koobka Adduunka 2026, lacagta abaalmarinta ee lagu guuleysanayo koobka iyo heerarka ay kooxuhu gaari doonaan ayaa la kordhiyay in ka badan 50% marka loo eego lacagtii lagu bixiyay tartankii hore ee 2022 ee lagu qabtay Qatar Kooxaha ku dhammeysta kaalmaha 33aad ilaa 48aad waxay heli doonaan malaayiin doollar oo abaalmarin ah, waxaana intaas dheer taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo FIFA ay ku bixin doonto tababarka, gaadiidka, qorsheynta iyo arrimo kale
Lacagtan waxay ka caawisaa dalalka, gaar ahaan kuwa soo koraya
Lacagtan waxay ka caawisaa dalalka, gaar ahaan kuwa soo koraya, inay horumariyaan kubadda cagta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si loo kobciyo ciyaaraha heerarka hoose ee bulshada Dalka ku guuleysta koobka wuxuu heli doonaa 50 milyan oo doollar, halka dalka kaalinta labaad gala uu heli doono 33 milyan oo doollar. Dalalka aan ka gudbin wareegga koowaadna mid kasta wuxuu heli doonaa 9 milyan oo doollar Intaa kadib, waddan kasta waxaa la siin doonaa 1.5 milyan oo doollar oo loogu talagalay diyaarinta safarrada, taasoo ka dhigan in waddan kasta uu heli doono ugu yaraan 10.5 milyan oo doollar.
Farxadda muwaadiniinta
Marar badan, dadka ayaa u dabaaldega waddooyinka, halka dowladaha iyo shirkaduhuna ay ku dhawaaqaan maalmo fasax gaar ah si loo helo tigidhada ama loo qabto bandhigyo iyo tartamo dabaaldeg ah Dalalka sannado badan aan helin fursad ay kaga qayb galaan Koobka Adduunka, ama kuwa markii ugu horreysay ka qayb galaya, waxay dareemi doonaan guushan si ka weyn sidii ay filayeen. Waxaa la arki doonaa calamo la taagayo, heeso la qaadayo, iyo dabaaldegyo dhiirrigeliya midnimada bulshada.
Sare u qaadidda qabka qaranka Kooxuhu waxay awood u yeeshaan inay hibadooda tusaan dunida, ciyaartoyduna waxay soo jiitaan indhaha kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta ee caalamka, halka hay'adaha ciyaarahana lagu dhiirrigeliyo inay sii wadaan maalgashiga Sidoo kale waxaa jira dakhli ka yimaada dalxiiska, xayeysiisyada, iyo xuquuqda baahinta ee warbaahinta iyo baraha bulshada.

0 Comments