Puntland oo ka digtay safarka Xasan Sheekh ee Laascaanood

 






Maamulka Puntland ayaa ka digay safarka Madaxweynaha Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa ka digay safarka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku howlan yahay kicinta colaadda u dhexeysa Somaliland iyo dadka reer Sool, xilli uu gobolkaasi ka hanaqaaday maamulka Waqooyi Bari.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ciidamo

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu ciidamo ku daabulayo gobolka Sool, si ay dagaal ula galaan Somaliland, isaga oo ku gabanaya go’aankii ay dhawaan Israa’iil ku aqoonsatay maamulkaasi Beelaha Dhulbahante iyo Isaaq waa inay ka digtoonaadaan colaadda uu Xasan wado ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Waxa uu intaas ku sii daray Ma jirto deris cid idiin beddelaysa; Dhulbahante guuri maayo, Isaaqna ma guurayo. Dantooda waxay ku jirtaa in mid walba iimaansado dhulkiisa


Sidoo kale, wasiirku wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wado qorshe la xiriira in degaanno ka mid ah Puntland heshiisyo kula galo dowladda Turkiga, si saldhigyo milatari looga hirgeliyo, taasoo uu ku tilmaamay mid horseedi karta qalalaase cusub oo ka dhaca Geeska Afrika Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sidoo kale ku tilmaamay mid ku fashilmay sugidda amniga Koonfurta iyo Bartamaha dalka, isla markaana doonaya in xasilooni-darro loo raro degaannada nabadda ku caanbaxay ee isku tashiga sameeyay.


Hadalkan ayaa imanaya xilli la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh

Hadalkan ayaa imanaya xilli la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh toddobaadkan booqasho ku tago magaalada Laascaanood, oo qiyaastii 100KM u jirta Garoowe, si uu uga qeybgalo caleemo-saarka madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duullaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.


Post a Comment

0 Comments