Xanuunnada halista ah ee laga yaabo inay yeelan karaan dadka qoorta weyn leh

 





Caadi ahaan waxa aynu ogaanaa in miisaankeenu kordhay marka ay caloosheenu korto

Caadi ahaan waxa aynu ogaanaa in miisaankeenu kordhay marka ay caloosheenu korto ama dharkeenna aan ka dareeno inuu ciriir nagu noqday Laakiin waxaa jira hal meel oo ka mid ah jirka oo dadka intooda badan ay iska indhatiraan oo na siin kara tilmaamo ku saabsan caafimaadkeena: qoorta. Haddii si caadiyan ah ay buurato ama dhuubato, waxay noqon kartaa astaan muujisa dhibaato caafimaad.


Dufanka jidhka guud ahaan waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo miisaanka qofka loo qaybiyo dhererkiisa si loo helo Tusmada Miisaanka Jirka Inkastoo tani ay tahay bilow wanaagsan, haddana uma shaqeyso dad badan, sida dadka jirka dhisa, maadaama murqahooda badan ay keento miisaan ka weyn tan caadiga ah.


Sidaa darteed, cabbiraadda wareegga qoortaada waxay ku siin kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caafimaadkaaga Wareegga qoorta dumarka waa inuu ahaadaa 33 ilaa 35 sentimitir, halka ragga uu yahay 37 ilaa 40 sentimitir," ayuu yiri Dr. Shiv Kumar Sarin, agaasimaha Machadka Beerka iyo Cilmiga Biliary ee Delhi, India, iyo guddoomiyaha Akadeemiyadda Qaranka ee Cilmiga Caafimaadka.


Waa maxay sababta dhumucda luquntayda ay muhiim u tahay

Waa maxay sababta dhumucda luquntayda ay muhiim u tahay? Qaar ka mid ah dadka waxay qaadaan miisaan si qoortooda uga muuqato mid xooggan, ciyaartoyda feerka iyo ciyaartoyda rugby-ga waxay ku faani karaan qoor dhumuc weyn leh. Laakiin bannaanka Jiimka, tani mar walba ma aha wax wanaagsan.


Haddii qoorta qofka ay ka dhumuc weyn tahay sida caadiga ah, waxay muujineysaa dhibaato caafimaad iyo in jirkiisu uu ku soo wajahan yahay cayil ayuu yiri Amitav Banerjee, oo ah borofisar wax ka dhiga Dugsiga Caafimaadka DY ee Pune, India Cudurro badan ayaa lala xiriiriyaa cayilka Dufanka ku wareegsan qoorta ayaa ka duwan dufanka maqaarka hoostiisa (subcutaneous fat), kaas oo jilicsan oo laga helo meelaha kale ee jirka sida miskaha.


Haddii aad cayilan tahay, jirkaga wuxuu sidoo kale leeyahay dufan qarsoon oo ku jira caloosha iyo agagaarka xubnaha, kaas oo loo yaqaan dufanka gudaha (visceral fat). Dufankan ma aha mid aamusan, balse waa mid firfircoon oo saameeya sonkorta dhiigga, kolestaroolka, iyo cadaadiska dhiigga Qoortu waa meel ka mid ah meelaha tan lagu arki karo waxayna tilmaamaysaa tirada dufanka jirka ee xad-dhaafka ah ayuu yiri Dr. Ahmed Elbediwy, agaasimaha barnaamijka Biochemistry ee Jaamacadda Kingston ee London. Marka aad cayilan tahay, qoortaadu way sii weynaan doontaa.


Dhibaato noocee ah ayay keeni kartaa?

Haddii qoorta qofka ay ka dhumuc weyn tahay sida caadiga ah, waxay muujineysaa dhibaato caafimaad iyo in jirkiisu uu ku soo wajahan yahay cayil ayuu yiri Amitav Banerjee, oo ah borofisar wax ka dhiga Dugsiga Caafimaadka DY ee Pune, India. Cudurro badan ayaa lala xiriiriyaa cayilka Dufanka ku wareegsan qoorta ayaa ka duwan dufanka maqaarka hoostiisa (subcutaneous fat), kaas oo jilicsan oo laga helo meelaha kale ee jirka sida miskaha.


Haddii aad cayilan tahay, jirkaga wuxuu sidoo kale leeyahay dufan qarsoon oo ku jira caloosha iyo agagaarka xubnaha, kaas oo loo yaqaan dufanka gudaha (visceral fat). Dufankan ma aha mid aamusan, balse waa mid firfircoon oo saameeya sonkorta dhiigga, kolestaroolka, iyo cadaadiska dhiigga Qoortu waa meel ka mid ah meelaha tan lagu arki karo waxayna tilmaamaysaa tirada dufanka jirka ee xad-dhaafka ah, ayuu yiri Dr. Ahmed Elbediwy, agaasimaha barnaamijka Biochemistry ee Jaamacadda Kingston ee London. "Marka aad cayilan tahay, qoortaadu way sii weynaan doontaa.


Dhibaato noocee ah ayay keeni kartaa? Qoorta caatada ah ayaa muddo dheer lala xiriiriyay quruxda jirka. Dadku waxay xirtaan dahabka si ay u soo jiitaan dareenka xagga hore ee qoorta oo ay kor ugu qaadaan muuqaalkeeda.


Qaar ka mid ah dalalka Afrika, haweenku waxay qoorta ugu xirtaan silsilado gaar ah si ay ugu muuqdaan kuwo leh qoor dheer oo dhuuban Laakiin inkastoo qoorta dhuuban loo arki karo tilmaan quruxsan, qoorta ka dhuuban sidii caadiga ahayd waxay noqon kartaa calaamad dhiig-yaraan, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen Dadkaas waxaa la siiya bir, fiitamiinno, iyo nafaqooyin kale. Xaalado badan, waxaa laga yaabaa inay xitaa u baahdaan dhiig-lagu shubo ayuu yiri Dr. Atreya Niharachandra.


Dadka qoortoodu dhuuban tahay waxay sidoo kale yeelan karaan laf dheeraad ah oo qoorta ka tirsan,qoortu waxay leedahay toddobo lafood, laakiin dad qaar waxay leeyihiin sideed, taasoo la mid ah sida qof u leeyahay lix farood halkii uu shan faroor lahaan lahaa Si kastaba ha ahaatee, waa mid lagu dhasho oo, inta badan, waxaa si lama filaan ah loogu ogaadaa raajada qoorta sabab kale. Tani inta badan ma keento wax dhibaato ah Xaalad kale oo laga arki karo qoorta waa goiter, oo ah buro ama barar ka soo baxa qeybta hore ee qoorta kaas oo uu keeno caabuqa qanjirka thyroid.


Goiter-ka badanaa wuxuu ka soo muuqdaa qeybta hoose ee hore ee qoorta, waxa uuna dareemmi karaa mid siman ama buro leh, mararka qaarna waxaa barar ka muuqda hal dhinac oo kaliya Badana xanuun ama dhib ma leh, laakiin Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa ku talinaya in lala tashado dhakhtar Markaa, marka xigta ee aad muraayadda isku eegto, si dhow u fiirso qoortaada; waxa laga yaabaa inay muujiso in ka badan intaad u malaynayso.


Post a Comment

0 Comments