Waxaan daawaday teleefankii la iga xaday oo ka sii dhaqaaqay London, Dubai ilaa Shiinaha uu gaaro

 





Waxay ku dhacdaa il biriqsi guuxa mootada ku shaqeya korantada

Waxay ku dhacdaa il biriqsi guuxa mootada ku shaqeya korantada, gacan ku socota xawaara sareeya, iyo ilbiriqsiyo gudahood, dhammaan noloshaada dhijitaalka ah waxay ku jiri kartaa khatar. Muuqaalkan naxdinta islamarkana aadan rumeysan karin ayaa ku soo noqnoqda boqolaal jeer maalintii waddooyinka dalka Britain Saamaynta xadidda taleefanku waxay badanaa ka gudbi kartaa khasaaraha maaliyadeed Fenella Rowling ayaa waxaa laga xaday iPhone 16-keedii cusub xilli ay ku guda jirtay safar ay wax uga soo iibsanaysay Cambridge bishii August ee la soo dhaafay.


Taleefanku waxa ku jiray boqollaal sawiro qaali ah iyo xusuusta hooyadeed, oo qabtay kansarka sanbabada ee aan laga bogsan karin Sawiradan ayaysan dib u arki doonin oo sidaasi ku lumay sababtoo ah sawiradu kuma aysan keedsan akoonkeeda iCloud Kuwani waa xasuus aanan dib u soo laaban karin Fenella ayay sidaasi tiri iyadoo ooyaysa Iyada oo adeegsanaysa aaladda Find My app, Fenella waxa ay awooday in ay la socoto dhaqdhaqaaqa telefoonkeeda la xaday iyada oo kala socotay qof tareenka la saarnaa oo ay u wada socdeen London.


Toddobaad ka dib, waxaa uu taleefoonkeedii laga xaday ka soo muuqaday Dubai, ka dibna Shiinaha. Kadib waxay bilowday inay hesho fariimo been abuur ah oo ay kaga codsanayso inay bixiso tafaasiisha akoonkeeda ama ay tirtirto xogta telefoonkeeda Ma garanayo inta waqti ee u haray hooyaday, ma doonayo inaan wax kale waayo," ayay raacisay Sheekooyinka sida Fenella waa ay sii badanayaan, iyadoo kooxaha dembiilayaasha abaabulan ay imika u soo dhigteen inay xadaan taleefannada kuwaas oo lagu iibin karo ilaa £400 midkiiba.


Tuuga lagu magacaabo Sonny Stringer ayaa lagu helay dambi ah in uu xaday 24 taleefoon hal saac gudaheed waxaana lagu xukumay labo sano oo xarig ah bishii August ee sanadkii hore London waxay noqotay meel qani ku ah tuugada," ayuu yiri Paul Brennan, oo ah gudoomiyaha ururka darawaliinta tagaasida Waxa uu intaa ku daray: Qofna uma maleynayo in tani (xatooyada) ay ku dhici karto ilaa ay si dhab ula kulmaan, taasina waa dhibka. Fursadaha in qofka la dhaco si degdeg ah ayay sare ugu kacayaan.


Wuxuu intaa ku daray, Mar walba waxay isticmaalaan mootooyiinka korontada ku shaqeeya sababtoo ah si dhakhso ah ayey u baxsan karaan. Waxay inta badan xirtaan dhammaan dharka madow ee maaskaro iyo iyaga oo daboola madaxa  Waxa uu intaa ku raaciyay Waxaan lahaan jirnay macaamiil joogta ah oo ka kala imaanaya adduunka oo dhan, laakiin hadda waxay soo wacayaan si ay u joojiyaan booqashooyinkooda, waxay yiraahdaan ma iman karno London sababtoo ah hadda ammaan ma ahan.


Marka loo eego xogta booliiska caasimadda, 117,211 taleefan ayaa la xaday 2024, oo ah 25 boqolkiiba koror marka la barbar dhigo 2019, markii 91,481 xaaladood oo la diiwaan-galiyay Booliska ayaa sheegay in tuugada waddooyinka London ay caadiyan isticmaalaan mootooyinka korontada ku shaqeeya oo gaari kara xawaare dhan 97 kilomitir) saacaddii. Sababtoo ah mootooyiinkan oo noqday kuwa ay aad u adeegsadaan tuugada, Booliska magaalo weyn waxa ay adeegsadeen koox gaar ah oo oo mootooyiin awood sare leh si ay ula socdaan.


Waxay neceb yihiin inaan haysano Mootooyiinkan

Waxay neceb yihiin inaan haysano Mootooyiinkan, ayuu yiri Ryan Perry oo ka tirsan booliiska caasimadda Waxay neceb yihiin in ay nagu arkaan waddooyinka anaga oo isticmaalayna mootooyiinkan, marka la eego aragtidayada iyo aragtida dadweynaha, taasi waa wax aad u fiican," ayuu raaciyay Waxa uu sii raaciyay, Haddii aan ka hortagi karno dambiyada, taasi waa wax ku habboon. Haddii ay rabaan inay baxaan oo ay sii wadaan falalkooda, waxaan u joognaa inaan ku daba-galno oo aan horgeyno caddaaladda.


Dagaalka lagula jiro tuugta telefoonada kuma koobna dhulka oo keliya. Waxaan nahay kuwa ay ka hurdi la'yihiin, ayuu yiri Andrew Lawless, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda Hawada Qaranka ee booliiska Booliiska London ayaa hadda bilaabay in ay adeegsadaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano Marka aan dushooda ku duulno, waxaa aad u yaraada fursadaha ay ku baxsan karaan, ayuu raaciyay Waxaan wax badan ka arki karnaa daaqadaha, waxaana isticmaalnaa kamarado iyo qalab si aan u helno oo aan ula soconno dadka laga shakisan yahay, ayuu intaa ku daray.


Glenn Walker, oo ah maareeyaha saldhiga London ee Epping Forest, ayaa u sheegay BBC sida kamaradaha helicopter-ka ku rakiban ay u qaban karaan wejiyada tuhmanayaasha si faahfaahsan Joogitaanka diyaaradda helikobtarka oo kali ah aagga waxay noqon kartaa caqabad dhab ah, ayuu yiri Waxaan isticmaalnaa diyaarad weyn oo shanqar badan, haddii aan ku duuleyno 1,000 fiit oo dulmaraysa Westminster ka dib marka ay dhaceen falal isdaba joog ah, qofka lagu tuhmayo tuugnimada wuxuu inta badan maqlaa ama arkaa helikobtarka isla markiiba wuu is qarinayaa," ayuu raaciyay.


Ma aha booliiska oo keliya kuwa wax ka qabta tuugta telefoonnada ee London.


Diego Galdino waxa uu isku tilmaamay in uu yahay mid ugaarsada tuugada taleefoonada jeeb-siiba Galdino waxa uu ka shaqeeyaa in alaabaha kala duwan uu meelo geeyo, waxa uuna bilaabay duubista tuugada ka dib markii uu sheegay in uu goob joog u ahaa ku dhawaad ​​maalin kasta xatooyo ,ka hor inta uusan internetka soo dhigin Cinwaankiisa baraha bulshada oo uu u bixiyay, PickPocketLondon waxaa daawaday malaayiin qof dhowr bilood gudahood.


Galdino waxa uu sheegay in ay tahay dareenkiisa in uu dadka uga digo marka uu arko tuugo ku kacaya xatooyo Waxaan garwaaqsaday in dambiyada magaalada ka dhacaya ay maalinba maalinta ka dambeysa ka sii darayaan," ayuu raaciyay Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Way qariyaan wejigooda, mar walbana waxaa jira laba ama in ka badan, inta badanna waa koox Marka tuugu dhaco, ma heli kartid shayga la xaday sababtoo ah waxay u dhiibaan qof kale, marka waxaan mar walba isku dayaa inaan qayliyo ka hor intaanay dhicin, ayuu yiri.


Booliiska Gaadiidka Ingiriiska ayaa roondo qarsoodi ah ku sameeya goobaha laga raaco gaadiidka, gaar ahaan aagagga ay ka dhacaan xatooyada ugu badan sida Finsbury Park Waxay u sameeyaan xatooyada si xadkeedu aad u sareeyo- si ay lacag badan u helaan," ayuu yiri sarkaal, isagoo intaa ku daray in tuugo badan ay u soo duulaan UK oo ay joogaan dhowr toddobaad si ay u xadaan ka hor intaysan mar kale dib u laaban.


Laakin qaar ka mid ah tuugta taleefoonada ee aaggan ayaa iyaguna ah kuwo deegaanka ah oo reer London ah Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaan aragnay koror aad u weyn oo ku yimid tirada dhalinyarada ka soo jeeda degaankan oo qayb ka ah shabakad ballaaran oo tuugo ah - laga yaabee ilaa 600 oo qof," ayuu yiri sarkaalku Xaqiiqdii waxaan haynaa sawirada ugu yaraan 600 oo qof oo ka tirsan kooxdan burcadda ah," ayuu intaa raaciyay.


Post a Comment

0 Comments