Waa muhiim in qof walba uu la socdo xaddiiga Sokorta uu qaato
Waa muhiim in qof walba uu la socdo xaddiiga Sokorta uu qaato . Waxaa laga yaabaa inaad isticmaashid wax ka badan intaad u baahnayd, isticmaalka sokorta oo sarreeya waxay kordhisaa halista nooca 2 ee sonkorowga, cudurada wadnaha, iyo kansarka Nidaamyada cuntada ee adduunka oo dhan waxay soo mareen isbeddello xooggan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, taasoo keentay kor u kaca cayilka iyo heerka xanuunka Macaanka
Sida laga soo xigtay xogta lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee Lancet, in ka badan kala bar dadka waaweyn iyo saddex meelood meel carruurta iyo dhalinyarada adduunka ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo cayilan ama buuran 2050 Nidaamyada daryeelka caafimaadka ee waddamo badan ayaa la halgamaya sidii ay ula qabsan lahaayeen xaaladahan cusub Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, tirada dadka waaweyn ee da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 79 ee qaba cudurka macaanku waxay ahayd qiyaastii 84.7 milyan sanadka 2024, sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Sonkorowga, waxaana tiradan la saadaaliyay inay kor u kacdo 162.6 milyan 2025.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee aan kala kulanno maaraynta miisaankeena ayaa ah in sonkor badan oo qarsoon ay ku jirto cuntooyinka caadiga ah; laga bilaabo caanaha fadhiya ama Ciirta ilaa Rootiga iyo saladka iyo cunnooyiinka kale Xilli la xusayo Maalinta Sonkorowga Adduunka ee 14 November, waxaanu idinla wadaagaynaa talooyin ku saabsan sida looga fogaado qaadashada Sonkorta badan Waxaan sidoo kale soo bandhigaynaa qiyaas kaa caawinaysa inaad la socoto isticmaalka sonkortaada: sidee ayaad u xisaabin kartaa sonkorta qarsoon ee ku jirta cuntadaada iyo cabitaankaaga?
Maxaan ula jeednaa "cuuno sokorta ka madaxbanaan?
Caanaha fadhiya ee Yogurt loo yaqaano, iyo casiirka khudradda ah ayaa laga yaabaa inay kuula muuqato quraac caafimaad leh. Laakin iyadoo ku xiran doorashadaada, cunnadaani waxay la macno noqon kartaa in sokor ka badan inta uu ku taliyay Ururka Caafimaadka Adduunka aad isticmaashay maalintaa.
Dadka waaweyni waa inay cunaan wax ka badan 30 garaam oo "oo aan sokor lahayn maalintii, sida uu qabo ururka Adeegga Caafimaadka Qaranka UK Sonkor la'aanta waxaaa loola jeedaa sonkor kasta oo kor looga daray oo loo isticmaalo macaanaynta cuntooyinka ama cabitaanka Cuntooyiin badan ayaa waxaa ku jirta Sokor dabiici ah islamarkana marka kor looga sii daro Sokor kale, waxay micnaheedu tahay in aad qaadatay sokor ka badan intii loo baahnaa.
Habka jirkaaga u habeeyo sonkorta way kala duwan tahay iyadoo ku xidhan sida loogu daro cuntada. Tusaale ahaan, marka aad cunto miraha ama khudaarta oo dhan, fiber-ka ay ku jiraan waxa uu hoos u dhigaa dheefshiidka, isaga oo ka hortagaya kororka khatarta ah ee sonkorta dhiigga Si kastaba ha ahaatee, marka lagu daro sonkorta, waxay si degdeg ah u galaan dhiigga, taasoo keenta kor u kaca sonkorta dhiigga Isla sidaas oo kale ayaa dhici karta ka dib marka la cabbo cabitaanada laga sameeyo khudaarta , sababtoo ah marka miraha la miiray, waxaa laga saaraa fiber-kio faa'iidada lahaa.
Marka xarkaha waaweyn ee sonkorta dhiigu ay noqdaan, dhibaato kale ayaa iman karta: unugyadaada waxa laga yaabaa inay noqdaan kuwo aan ka jawaabin insulinta. Kororka isticmaalka cuntooyinka warshadaysan ayaa sidoo kale loo aaneeyaa kor u kaca xaddiga sonkorta ee cuntadeenna marka loo eego jiilashii hore.
Cuntooyinka la warshadeyay, xitaa kuwa aanad filanayn sida hilibka iyo kalluunka
Cuntooyinka la warshadeyay, xitaa kuwa aanad filanayn sida hilibka iyo kalluunka, ayaa wax laga beddelay si ay u sii raagaan ama u wanaajiyaan dhadhankooda, waxaana loo badiyaa sonkor iyo cusbada Dunidu ku waalatay sonkorta Caalamka, waxaan isticmaalnaa sonkor ka badan sidii hore maalin kasta, in kasta oo wacyiga ku adaan khatarta sokorta e caafimaadka ay sii kordhayso.
Ururada caafimadka caalamiga ah ayaa tilmaamaya in Maraykanku uu weli yahay dalka ugu badan ee laga isticmaalo sonkorta , laakiin isticmaalka ayaa sidoo kale si xawli ah kor ugu kacaya Hindiya, Shiinaha, Pakistan iyo Indonesia Haddii tirada dadka cayilan ee caalamku ay sii korodho, tirada dadka waaweyn ee cayilan waxay kordhin doontaa ilaa 57.4 boqolkiiba ragga iyo 60.3 boqolkiiba dumarka marka la gaaro 2050, sida laga soo xigtay xogta laga soo uruuriyay in ka badan 200 oo dal, taasi oo lagu daabacay Lancet bishii March.
25-ka sano ee soo socda, Shiinaha, Hindiya iyo Maraykanka ayaa la filayaa inay yeeshaan tirada ugu badan ee dadka cayilan Shiinaha tirada waxay gaari doontaa 627 milyan, Hindiya 450 milyan iyo Mareykanka oo ay tirada gaari doonto 214 milyan, taas oo culays weyn ku keeni doonta nidaamka caafimaad ee dalalkooda Tirada dadka cayilan ama buuran ee ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa sidoo kale kor u kici doona in ka badan 250 boqolkiiba, taasoo gaareysa 522 milyan.
Nigeria ayaa si gaar ah ugu taagan, halkaasoo tirada dadka cayilan iyo kuwa uu cayilku kus oo socdo la filayo inay ka badan yihiin saddex laab Laakiin waxaa jira waxyaabo aan sameyn karno si aan uga fogaano dhibaatadan maanta oo aan xakameyno caafimaadkeenna mustaqbalka Dalka Mareykanka, tusaale ahaan, boqolkiiba 63 dadka qaangaarka ah waxay cunaan cabitaanno sonkor leh maalin kasta, sida ay qabto Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada.
Ka fogaanshiyaha cabitaanadan, oo ay weheliso nacnac, macmacaanka, iyo cuntooyinka warshadaysan, waxay si wayn u wanaajin kartaa caafimaadka bulshada Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu ku talinayaa in la xaddido qaadashada sonkorta lagu daray in ka yar 10 boqolkiiba kalooriyada maalinlaha ah, iyo caafimaadka ugu wanaagsan, waxay ku talisaa in la isticmaalo wax ka yar 5 boqolkiiba Tani waxay u dhigantaa ilaa lix qaado maalintii, oo ay ku jirto sonkorta lagu daray ama la dubay ee cuntada, iyo sidoo kale sonkorta aad adigu ku darto.
Habka tijaabada Si loo abuuro tijaabada, waxaanu dooranay liiska cuntooyinka waxaanu xisaabinay xaddiga sonkorta 100 garaam ee cunto kasta. Tusaale ahaan, haddii cuntadu ay ka kooban tahay 25 garaam oo sonkor ah, cabbirkeeduna yahay 50 garaam, markaa sokorta ku jirta waxay noqonaysaa 12.5 garaam Dad badan oo caalamka meelo kala duwan ku nool ayaa waxay isticmaalaan sokor ka badan intii ay ahayd inay isticmaalaan, taasi oo dhibaato u keenta caafimaadkooda.

0 Comments