Wasaaradda caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in xanuunka lixda qof ku dilay magaalada Jinka ee koonfurta dalkaas uu yahayb Fayruska Marburg Cudurkan ayaa markii ugu horreysay ka dillaacay koonfurta Itoobiya toddobaad ka hor, waxaana ku dhintay lix qof oo ay ku jiraan labo shaqaale caafimaad ah.
Wasaaradda Caafimaadka, ayaa qoraal ay soo saartay shalay oo Jimco ahayd, waxay ku sheegtay inaysan jirin cid lagu arkay cudurkan ama looga shakisan yahay inay qabaan, ayna socdaan dadaallo looga hortagayo cudurkan Fayraskan ayaa sanad ka hor lagu arkay dalalka Bariga Afrika, kaasoo sababay xanuunno aad u daran iyo dhimasho lama filaan ah oo dad badan ugu dhinteen.
Fayraskan Marburg ayaa ah cudur si aad ah loo kala qaado, waxayna khubarradu sheegeen inuu la mid yahay Ebola Muxuu yahay fayraska Marburg? Waa xanuun ay isku bah yihiin cudurka dilaaga ah ee Ebola, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO Fayraska Marburg waxaa markii ugu horraysay la aqoonsaday kaddib markii uu 31 ruux ku dhacay, toddobo ka mid ahna ay u geeriyoodeen sanadkii 1967-kii.
Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay magaalooyinka Marburg iyo Frankfurt
Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay magaalooyinka Marburg iyo Frankfurt ee dalka Jarmalka, iyo magaalada Belgrade ee dalka Serbia Xanuunka halkaas ka dillaacay markii dib loo baaray waxaa la ogaaday in uu ka yimid daanyeerrada cagaaran oo laga soo dhoofiyay waddanka Uganda Hase ahaatee xilligaas kaddib waxaa fayraskan lala xiriiriyay xayawaanno kale Dhinaca bani'aadanka, waxa uu aad ugu faafaa dadka waqtiga dheer ku qaata qodadka macdanta iyo meelaha ay ka buuxaan xayawaannada kibiliga Waa markii ugu horraysay ee hadda uu ka dillaaco dalka Ghana - balse dhowr dal oo Afrika ka tirsan ayaa horay loogu arkay kiisas, waxaana ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
Kenya
Koonfur Afrika
Uganda
Zimbabwe
Mar uu sanadkii 2005-tii ka dillaacay dalka Angola waxa uu ku dilay 300 oo ruux. Balse qaaradda Yurub, hal qof oo keliya ayaa ugu geeriyooday 40-kii sano ee lasoo dhaafay Hal qof oo kale ayaa ugu dhintay Mareyknaka kaddib markii uu ka noqday safar uu ku tagay waddanka Uganda.
Marar uu meelo ka dillaacay
2017, Uganda: Saddex kiis, saddex dhimasho
2012, Uganda: 15 kiis, afar dhimasho
2005, Angola: 374 kiis, 329 dhimasho
1998-2000, DR Congo: 154 kiis, 128 dhimasho
1967, Jarmalka: 29 kiis, toddobo dhimasho
Waxaa xogtan laga soo xigtay: WHO Xanuunnadee ayuu keenaa fayraska?
Fayrasku si lama filaan ah ayuu ugu billowdaa Qandho
Madax-xanuun daran
Murqo-xanuun
Tan waxaa badanaa raacda, saddex maalmood kaddib, inuu bukaanku isku arko
Shuban-biyood
Calool-xanuun
Lallabbo
Matagid WHO waxay tiri Muuqaalka bukaannada marxaladdan waxaa lagu tilmaamay inuu u muuqanayo 'wax meyd u eg', indhaha oo god gala, weji aan dareen muujineyn iyo caajis xad dhaaf ah.
Dad badan ayaa ka dhiig baxa qaybaha kala duwan ee jirka, waxayna dhintaan siddeed ilaa sagaal maalin kaddib markii ugu horreysay ee ay xanuunsadeen, taas oo uu sababay dhiigbax daran Celcelis ahaan, fayrasku waxa uu dilaa kala bar dadka uu ku dhacay, sida ay sheegtay WHO, laakiin noocyada ugu waxyeellada badan ayaa dilay ilaa 88 boqolkiiba Fiidmeerta Masaarida waxay badanaa haysaa fayraska Daanyeerrada cagaaran ee Afrika iyo doofaarrada ayaa sidoo kale qaadi kara Dadka dhexdiisa, waxa uu ku faafaa dareeraha jirka iyo taabashada gogosha wasaqaysan.
Xitaa kaddib marka ay dadku ka soo kabtaan, dhiiggooda ama shahwadooda, tusaale ahaan, waxay u gudbin karaan dadka kale bilo badan kaddib Sidee loo daweyn karaa? Ma jirto daawayn gaar ah ama tallaal loo hayo fayraska Laakiin noocyo kala duwan oo xirmooyin dhiig ah, dawooyinka iyo daawaynta difaaca jirka ayaa la soo saarayaa, sida ay sheegtay hay’adda WHO Dhaqaatiirtuna waxaa laga yaabaa in ay yareeyaan calaamadaha iyaga oo siinaya bukaannada isbitaallada la dhigo dareere badan iyo beddelaadda dhiigga ka baxay ama is-dhimay.
Sidee loo xakamayn karaa?
Dadka ku nool Afrika waa in ay ka fogaadaan cunista hilibka duurjoogta, sida ay aaminsan taay Gavi, oo ah hay'ad caalami ah oo ka shaqysa kor u qaadista helitaanka tallaalka Dadku waa inay sidoo kale iska ilaaliyaan doofaarrada jooga meelaha uu ka dillaacay cudurka, sida ay ku Talisay WHO Ragga qaba fayraska waa inay isticmaalaan kondhomyada muddo hal sano ah laga billaabo marka ay calaamadaha isku arkaan ama ilaa shahwadooda ay labo jeer iska baaraan ilaa laga waayo fayraska Kuwa aasaya dadka u dhintay fayraska waa inay sidoo kale ka fogaadaan taabashada jirka meydka.

0 Comments