Dhiigga dahabka ah: Haddii aad leedahay dhiigga noocan ah waxaad leedahay dhiig qiimo badan

 





Dhiigga la yidhaahdo Rh null oo mararka qaarkood loogu yeedho 

Dhiigga la yidhaahdo Rh null oo mararka qaarkood loogu yeedho dhiigga dahabka ah waa nooca dhiigga ugu naadirsan adduunyada, iyadoo kaliya 50 qof ay haystaan Dhiig-shubistu waa hannaan beddelay sidii la isku daawayn jiray wakhtiyadii hore. Marka uu qofku la kulmodhaawac culus, waxa lagu shubaa dhiig qof kale oo ay isku nooc yihiin si naftiisa loo badbaadiyo Laakiin waxaa jira dad aan ka faa'iideysan karin habkan. Dadka leh noocyada dhiigga ee naadirka ah waxay la kulmi karaan dhibaato weyn marka ay raadinayaan dhiig laga keenay qof kale oo noociisa ah.


Nooca dhiigga ee ugu naadirsan adduunyada waa kan lagu magacaabo Rh null —waxa lagu ogaaday in kaliya 50 ay dhiiggaasi leeyihiin Haddii dadkaas la dhaawaco ama u ay u baahdaan in dhiig loo shubo, fursadda ay ku heli karaan dhiigga loo baahan yahay waa mid aad u yar. Sidaas darteed, dadka leh noocan dhiigga ah waxaa lagu talinayaa in ay kaydiyaan dhiiggooda si ay mustaqbalka u isticmaali karaan.


Waxyaabaha ka dhigaya dhiiggan mid qiimo leh ma aha oo kaliya in uu dhif yahay. Qaybaha caafimaadka iyo cilmi-baadhistu waxay dhiiggan ugu yeedheen dhiigga dahabka ah" sababta oo ah faa'iidooyinka badan ee laga heli karo Saynisyahannadu waxay baadhayaan siyaabo looga gudbi karo caqabadaha la xidhiidha nidaamka difaaca jidhka ee xaddida isticmaalka dhiigga la isugu deeqo, waxaana la filayaa in nooca dhiigga Rh null uu caawin karo dhiig-shubis guud ahaan caalamka.


Sidee ayaa noocyada dhiigga loo kala soocaa? Nooca dhiigga ee jidhkeena ku wareegaya waxaa kala saaristiisa lagu saleeyaa jiritaanka ama maqnaanshaha calaamadaha qaarkood ee ku yaalla dusha unugyada dhiigga cas Calaamadahaas oo loo yaqaan antigen, waxay ka samaysan yihiin borotiinno iyo sonkor ku fidsan dusha unugga. Nidaamka difaaca jidhkeenna ayaa awood u leh in uu ogaado.


Prof. Ash Toye oo ah khabiir ku takhasusay bayoolajiyada unugyada oo ka tirsan Jaamacadda Bristol, ayaa yidhi Haddii dhiig laga keeno qof deeq bixiye ah oo wata antigenno ka duwan kuwa dhiiggaaga, jidhku wuxuu soo saaraa difaacyo (antibodies) wuxuuna weeraraa dhiiggaas," wuxuuna intaa ku daray Haddii dhiiggaas mar kale lagugu shubo, waxay halis weyn ku noqon kartaa noloshaada. Labada nidaam ee dhiigga ugu badan ee keena falcelinta ugu xooggan ee nidaamka difaaca waa ABO iyo Rhesus (Rh).


Qofka leh dhiigga A, dusha unugyada dhiiggu waxay leeyihiin A antigen.


Qofka leh dhiigga B, dhiiggiisu wuxuu leeyahay B antigen.


Qofka leh dhiigga AB, wuxuu wataa labadaba A iyo B antigen.


Qofka leh dhiigga O, ma laha labadaba antigen.


Nooc kasta oo dhiig ahi waxa uu noqon Rh taban ama Rh togan Dadka leh dhiigga O nooca taban waxaa badanaa lagu tilmaamaa "deeq-bixiyeyaasha guud" sababtoo ah dhiiggoodu ma laha antigenno A, B, ama Rh.


Tani waxay ka dhigan tahay in qofka dhiig O taban lagu shubo uu weli ka falcelin karo qaar ka mid ah antigennada kale ee dhiiggaas ku jira. Qaar ka mid ah antigennadu ayaa nidaamkan difaaca jidhka khatar weyn ku ah Dadka dhiiggoodu yahay RH null ma laha gebi ahaanba antijiinnada 50 Rh. Maaddaama aanay dadka noocan ahi cidna ka qaadan karin dhiig kale, dhiiggoodu waxa uu la jaanqaadayaa w noocyo badan oo Rh ah Sidaa darteed, dhiigga O Rh null waa mid aad u qiimo badan. Dhiigga noocan ah waxaa loo siin karaa inta badan dadka adduunka, oo ay ku jiraan dadka leh dhammaan noocyada ABO.


Xaggee ayuu asal ahaan ka yimid nooca dhiigga Rh null?  

Cilmi-baadhisihii ugu dambaysay ayaa muujisay in nooca dhiigga Rh null uu ka dhasho isbeddello hidde-sidayaal ah oo saameeya borotiin loo yaqaan Rh-associated glycoprotein (RHAG), kaasi oo door muhiim ah ka ciyaara unugyada dhiigga cas Isbeddelladani waxay keeneen in borotiinku uu ku yaraado ama uu isbeddelo, taasi oo carqaladeynaysa samaysanka antijiinnada kale ee Rh, islamarkaana ka hortagaysa in ay dusha unugga ka muuqdaan.


Ma suurtogalbaa in lagu soo saaro shaybaadhka?  Sannadkii 2018, Prof. Toye iyo kooxdiisu oo ka socotay Jaamacadda Bristol waxay ku guuleysteen in ay dhiiggan la yidhaahdo Rh null ku soo saaraan shaybaadhka Si ay tan u sameeyaan, waxay isticmaaleen unugyada dhiigga cas oo aan weli bislaan oo lagu koriyay shaybaadhka Kooxdu waxay markaas adeegsatay farsamada kala shaandhaynta hidda-sidaha ee la yidhaahdo Crispr-Cas9 si ay u naaqusiyaan hiddo-sidaha soo saara antigennada shan kooxood oo dhiig ah, kuwaas oo sabab u ah inta badan is waafajin la'aanta dhiigagga.


Post a Comment

0 Comments