Shil Tareen oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida iyo khasaaro ka dhashay

 





Shil tareen oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Shil tareen oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay magaalada Shiniile ee caasimadda gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana shilkan ka hadlay kana tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan.


Inta la xaqiijiyay shilkan tareen waxaa ku dhintay 15 ruux

Inta la xaqiijiyay shilkan tareen waxaa ku dhintay 15 ruux ,halka dhaawacu uu ka soo gaaray 27 qof kale, dadka dhaawacyada soo gaareen oo qaarkood xaaladooda ay culus tahay ayaa lagu daweenayaa isbitaallo kuyaalla Itoobiya.


Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Muxumad Cumar

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Muxumad Cumar, ayaa ka hadlay  shilkan tareen ee ka dhacay magaalada Shiniile, waxa uuna Madaxweynaha tacsi u diray dadkii ku dhintay shiljan, halka uu caafimaad degdeg ahna u rajeeyay dadka dhaawacmay.


Tareenkan dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ayaa u kala gooshayay magaalada Diridhabe iyo danwale, lamana shaacin waxa sababay shilkan tareen, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo shilkan tareen ee ka dhacay dowlad deegaanka.


Post a Comment

0 Comments