NISA oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo Al Shabaab katirsan

 




Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Howlgalka waxaa lagu dilay Toddobo dhagarqabe, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.


Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada seddax xubnood oo Khawaarij ah, howlgalka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, iyada oo ugu dambeyna beegsiga seddaxaad lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Khawaarijtu halkaas ku diyaariyeen si ay ugu qaadaan Maleeshiyaadka ay abaabulayeen


Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkaan

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa qaaday hawlgalkaan kaddib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysay dhaqdhaqaaqyo ay maleeshiyaad Khawaarijta ah, oo watay gaadiid dagaal, ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas, xogta oo loo beddelay howlgal ayaana suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday.



Post a Comment

0 Comments