Muxuu tababaraha Liverpool ka yiri qaab-ciyaareedka Maxamed Saalax?

 





Tababaraha Kooxda Liverpool Anel Slot ayaa sheegay in waxa ugu dambeeya 

Tababaraha Kooxda Liverpool Anel Slot ayaa sheegay in waxa ugu dambeeya ee uu ka welweli karo ay tahay qaab ciyaareedka Maxamed Saalax. Waxa uu ahaa Saalax gool dhaliyaha ugu sarreeya xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 29 gool, isla markaana sameeyay caawinta 18 goor, taasi oo kooxdu ku qaaday horyaalka Premier League Xilli ciyaareedkan ayaa 33 sano jirka reer Masar uu dhaliyay saddex gool oo kali horyaalka Premier League.


Liverpool ayaa weeraryahanno cusub kusoo iibsatay £415 milyan, iyada oo haatan weli wajahaysa guul darrooyin ugu bilowday xilli ciyaareedkan cusub Ka dib afar guul darro oo isku xigta oo ay ku jirto Manchester United ee Axaddii hore ka dhacday Anfield, Slot ayaa kursiga kaydka fariisiyay Saalax kulankii ay 5 iyo 1 uga baddiyeen kooxda Eintracht Frankfurt ciyaar ka tirsan horyaalka Champions league Arbacadii.


Mar wax laga weydiiyay qaab ciyaareedka Saalax ayuu Slot ku jawaabay Waxa ugu muhiimsan waa inuu mar walba goolal dhaliyo. Shayga ugu dambeeya ee aan ka welwelsanahay waa in Mo mar kale uu goolal dhalinayo. Wuxuu taasi sameeyay noloshiisa oo dhan, waxaan filayaa inuu dib u bilaabi doono toddobaadyada iyo bilaha soo socda 


Slot ayaa kulankaasi soo safay saxiixyada cusub ee kooxda Alexander Isak, Hugo Ekitike iyo Florian Wirtz, balse dhaawac muruqa ah oo gaaray Isak qaybtii hore ayaa Saalax siinaysa in mar kale lagu celiyo safka hore ee kooxda marka ay Liverpool ay Premier League ku wajahdo kooxda Brentford Sabtida.


Saalax ayaa hadda lix kulan oo xiriir ah Premier League aan dhalin gool aan rigoore ahayn

Saalax ayaa hadda lix kulan oo xiriir ah Premier League aan dhalin gool aan rigoore ahayn Slot ayaa yiri ''Ciyaartooyda kubbada cagta mararka qaar waa ay seegaan fursadaha- isaguna waa bini'aadam. Kaliya ma aynu nihin kuwo caadeystay inay arkaan Saalax oo gool seegaya.''


Tababaraha Liverpool ayaa intaas ku daray in isbeddelladii xagaaga oo ay ku jiraan tagitaanka Trent Alexander-Arnold ee Real Madrid ay sababi karaan hoos u dhaca qaab ciyaareedkiisa Waxaa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho (maqnaanshaha AlexanderArnold) sababta oo ah wuxuu Liverpool oo dhan la ciyaaray isaga, laakiin weli wuxuu sameeyay iskudayada meelo uu goolal ka dhalin karo.'' Ayuu yiri Slot Guud ahaan, isbeddellada kooxda ka dhacay waxa ay keeneen xagaaga in dhammaan ciyaartooyda ay mar kale is fahmaan. Waxaa suutagal ah in taasi ay qayb ka tahay


Wali waa goor hore qiimeynta Saalax in meesha laga saaro Wakhtigan oo kale xilli ciyaareedkii hore waxa uu Saalax lahaa 7 gool iyo 7 caawin ah, halka xilli ciyaareedkan uu leeyahay 3 gool iyo 3 caawin ah oo kaliya Guulaystihii sannadkii hore ee kabta dahabka Premier league ayaa haatan 8 gool ka hooseeya goolasha weerar yahanka Manchester City Erling Haaland.


Ciyaartooyda ay isku kooxda yihiin Cody Gakpo iyo Ekitike ayaa labaduba dhaliyay goolal ka badan kuwa Saalax, in kasta oo uu hoggaanka kaga hayo labadooda marka dhanka caawinta la eego Waxaan war xun u ahayn Saalax in uu abuuray 19 fursadood oo gool ku dhallan karay xilli ciyaareedkan oo ka yar labo kuwii uu abuuray 12kii kulan ee xilli ciyaareedkii hore, wuxuu bixiyay baasyo isdaba joog ah oo furan in ka badan intii hore.


Waxaa kale oo muuqata in ciyaartooyda Liverpool ay ku dhibtoonayaan inay kubadda gaarsiiyaan Saalax sidii hore, iyada oo taabashadiisa kubbada celcelis ahaan aad u yaraatay Xilli ciyaareedkan wuxuu celcelis ahaan sameeyay 6.2 taabasho ee gudaha sanduuqa goolka, halka xilli ciyaareedkii hore uu ahaa 9.6, wuxuuna sameeyay 1.6 gooysmo ah oo kaliya, in ka yar kala bar tiradii hore.


Sababta ayaa noqon karta daafacyada oo si dhow u ciyaaraya

Sababta ayaa noqon karta daafacyada oo si dhow u ciyaaraya, isku dhacyada ciyaartooyda cusub ama wakhtiga sameynta kubbada, laakiin xaqiiqdu waa inuu celcelis ahaan dhamaystiray kali ah 0.3 gooysmo ah kulan kasta, taas oo muujinaysa hoos u dhaca muuqdan In kasta oo 12 kulan xilli ciyaareedkan aysan ahayn tiro weyn oo lagu cabbiro, haddana Saalax weligii ma yeelan xilli uu celcelis ahaan leeyahay tiro yar oo toogasho ah iyo goolal aan ahayn rigoore sida xilli ciyaareedkan.


Saxiixyada cusub ee Liverpool iyo qaabka cusub ee ciyaarta ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan kara iyo tagitaankii Trent Alexander-Arnold Labadooda xiriirkii xoogganaa ee dhanka midigta ay ka wada ciyaarayeen ayaa ahaa mid aad u guulaystay. Xilli ciyaareedkii hore Alexnder-Arnold wuxuu Saalax siiyay 147 baas, taas oo ahayd 39 baas in ka badan ciyaartooy kasta oo Premier League ah.


Tirakoobka Opta ayaa muujinaya in 33dii kulan ee ay labadooduba wada ciyaareen xilli ciyaareedkii hore Saalax uu dhaliyay 27 gool, celcelis ahaan 3.5 toogasho oo goolka ah, halka taabashadiisa Sanduuqa goollka ay ahayd 10.5 Kulamada 12ka ee uusan ciyaarin Arnold tan iyo xilli ciyaareedkii hore iyo kan hadda. Saalax waxa uu dhaliyay 4 gool oo kali ah, laba kamid ahna waa rigoore, isaga o oleh celcelis ahaan 2.3 toogash iyo 7.2 taabasho guud ahan sanduuqa.


Post a Comment

0 Comments