Dadka inta badan waxay caloosha weyn ama miisaankaaga oo badan u arkaan buurni
Dadka inta badan waxay caloosha weyn ama miisaankaaga oo badan u arkaan buurni. Waa wax ay dadka inta badan ka naxaan buurnida noocaas ah, waxayna isku dayaan in ay yareeyaan ama ay lumiyaan miisaan Balse qoorta ayaa ka mid ah meelaha jirkeena ee sheega waxyaabo badan oo la xiriira caafimaadka. Inta badan dadka arrintaas kuma baraarugsana.
Hadii qoortu ay kaaga taal dhibic ama midabka maqaarka uu badalmo, markas ayey dadka si degdeg ah u bilaabaan sidii ay ku daaweyn lahaayeen arrintaas. Sababta ay dadka sidaa u yeelaan ayaa lagu sheegay in ay tahay meel si fiican looga arki karo qofka Hadii luquntaada ay weyn tahay ama ay ka dhuuban tahay sida caadiga, ma tahay mid keeneysa in aad ka welwesho xaaladaas? Luqunta dhuuban waxa loo arkaa in ay tahay qurux. Dadka waxay ku xirtaan dahab taas oo kor u sii qaada muuqaalka hore ee qoortaada.
Si la mid ah dumarka, ragga qaar ayaa daneeya in luquntooda qurxoonaato. Dad badan oo adduunka ku nool ayaa luqanta ku xirta katiinado si bilicdeeda u soo saaraan. Sidoo kale dadka qaar ayaa sameeya jimicsiyo ujeedku yahay in lagu qurxiyo luqunta Inkastoo ay tahay wax guud in isbeddal ku yimaado jirka oo dhan ama qoorta marka jimicsi la sameeyo, hadana luqunta hadii ay dhuubnaato ama ay weyn tahay marka la fiiriyo jirka intiisa kale, markaas waxay noqon kartaa astaan muujineysaa in cudur uu jiro.
Maxay ka dhigan tahay luqunta aadka u weyn?
Dr. Shiv Kumar Sarin oo ah madaxa machadka ILBS ee beerka ee Delhi ayaa si faahfaahsan arrimaha la xiriira qoorta kaga hadlay boogiisa lagu magacaabo 'Jirkaaga Wuxuu u sheegay BBC-da Dhumucda luqunta dumarka waa in ay caadiyan ahaataa inta u dhexeysa 33 ama 35 sentiimitir halka raggana ay tahay in ay u dhexeyso 37 ilaa iyo 40 sentiimitir. Wax kasta oo intaas ka weyn waxay muujinayaan in ay jiraan cuduro badan Wuxuu kaloo sheegay in hadda ay jiraan daraasado badan oo caafimaad kuwaas oo sharaxaya cudurada laga ogaado dhumucda qoorta.
Dr. Shalimar oo bare jaamacadeed ka ah machadka caafimaadka iyo seyniska AIIMS ee Delhi ayaa yiri, "Hadii weli qoorta ay leedahay cayil, ayna u egtahay mid gaaban, halkaas waxaa inta badan ka ogaanaa in beerku leeyahay cadiin. Mararka qaar dadkaas wax badan ayey quuriyaan marka ay hurdayaan. Hadii luqunta qofka u egtahay mid ka weyn sida caadiga, waxay taasi muujineysaa in uu jiro khalkhal dhinaca dheefshiidka ah".
Dr. Mohsin Wali oo ah dhakhtar ka tirsan isbitaalka Ram ee Delhi ayaa sheegay, qofka luqunta weyn leh in kalastaroolka ku badan yahay, beerkiisuna uu dufan leeyahay, macaan iyo dhiigkarna uu qabo. Tani waxay u baahan tahay baaris gaar ah Dadka ay qoortoodu weyn tahay sababo la xiriira xaalado caafimaad, inta badan midabka qeybta dambe ee qoorta waa madow. In aad astaan madow ku leedahay qoorta waxay taasna cadeyn u tahay in xaalku uusan aheyn dhinca maqaarka.
Prof. Amitav Banerjee wuxuu leeyahay, "qofka ay qoortiisu weyn tahay waxa uu qabaa xaalado caafimaad, gaar ahaan in jirkiisu uu noqonayo qof cayilka ka batay Dr. Amitav wuxuu sheeay hadii labo qof oo baaristoodu isku mid tahay, miisaankooduna kala badneyn uu mid ka mid ah qoortiisu weyn tahay, waxay taasi ka dhigan tahay in jirkiisu cayil badan saaran yahay, suuragalna waxaa ah in qofkaas uu noqonayo qof miisaan badan yeelan doona.
Qoorta dhuuban maxay muujineysaa?
Inkastoo qoorta weyn loo arko qurux, hadana waxay noqon kartaa mid muujineysa in qofka uu qabo cudurada la xiriira Tayroodka Dadka luquntooda dhuuban tahay waxay dhuunta ku leeyihiin laf dheeri ah. Waxaa sidoo kale laga ogaan karaa hadii qofka uu leeyahay lix farood halkii gacantiisa ay lahaan laheyd shan farood.
Inta badan dadka luquntoodu dhuuban tahay waxaa lagula taliyaa in ay sameeyeen jimicsi gaar ah iyo in ay qaataan nafaqo iyo waxyabao kale si murqaha qoorta loo xoojiyo oo looga dhigo kuwa caafimaad leh Sida dhakhaatiirtu sheegeen dadka qoortuudu ka weyn tahay sida caadiga waa in ay marka hore xakameeyaan miisaankooda. Ujeedka ayaa ah in aad ogaato jirkaaga ama caafimaadkaaga halka uu ku socdo hadii ay khatar tahay iyo inkale.

0 Comments