Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe
Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa
Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa waxa uu ahaa doorashada xubin ka banaaneyd Guddiga Dib U Eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cumar Cali Isaaq Balash Iyo Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar.
Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah islamarkaana sanduuq lagu codeynayay
Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah, islamarkaana sanduuq lagu codeynayay, waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92-cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo heshay 68-cod, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

0 Comments