Bruno Fernandes ayaa magacaabay kooxda uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro
Bruno Fernandes ayaa magacaabay kooxda uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro, xilli mar kale la hadal hayo suuragalnimada inuu ka tago Manchester United oo uu u wareego horyaalka Saudi Pro League.
Kabtanka Manchester United ayaa bilooyin la tacaalayay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa, kaddib markii Al Hilal ay xagaagii hore isku dayeen inay ku soo iibsadaan heshiis gaaraya £100 milyan Inkasta oo uu diiday qandaraas uu todobaadkii ku qaadan lahaa ku dhowaad £1 milyan, haddana Fernandes weli waxaa lala xiriirinayaa u wareegidda Bariga Dhexe, iyadoo qaar ay rumeysan yihiin in tababaraha Ruben Amorim uu ka faa’iideysan karo iibintiisa.
Ka dib guushii layaabka lahayd ee ay toddobaadkii hore ka gaareen Liverpool
Ka dib guushii layaabka lahayd ee ay toddobaadkii hore ka gaareen Liverpool, kooxda Red Devils ayaa Sabtida la ciyaari doonta Brighton horyaalka Premier League, halkaas oo Fernandes uu qaban doono kulankiisii 300aad ee uu u safto Manchester United Isagoo ka hadlayay ka hor kulankiisa taariikhiga ah, 31-jirka Bruno Fernandes ayaa mar kale xaqiijiyay daacadnimadiisa uu u hayo Manchester United, isagoo sheegay inuusan doonayn inuu ka tago Old Trafford ilaa uu kooxdiisa la qaado koob weyn.
Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa qirtay in ay jirto hal koox oo qalbigiisa
Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa qirtay in ay jirto hal koox oo qalbigiisa ku dhow oo uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro haddii fursaddu timaaddo, isla markaana uu diyaar u noqdo inuu ka tago Manchester Haddii aan fursad u helo inaan mar kale ka ciyaaro Portugal, mar walba Sporting ayaan ka hormarin lahaa koox kasta oo kale — si aan mar kale ugu ciyaaro,” ayuu yiri.

0 Comments