Ashraf Xakiimi iyo Maxamed Saalax oo hoggaaminaya tartanka abaalmarinta Xiddiga Afrika ee 2025

 




Achraf Hakimi oo ka ciyaara daafaca midig ee xulka Morocco iyo kooxda Paris Saint-Germain

Achraf Hakimi oo ka ciyaara daafaca midig ee xulka Morocco iyo kooxda Paris Saint-Germain, iyo Mohamed Salah oo weeraryahan u ah xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool, ayaa hoggaaminaya liiska 10-ka ciyaartoy ee u sharraxan abaalmarinta Xiddiga Afrika ee Sanadka 2025.


Hakimi ayaa ka caawiyay PSG inay ku guuleysato horyaalka Faransiiska, koobka dalka iyo Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka Salah uu qaaday kabta dahabka ah ee horyaalka Premier League isagoo Liverpool dibna ugu hogaamiyay hanashada horyaalka Ingiriiska.


Weeraryahanka kooxda Everton Iliman Ndiaye iyo khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Pape Matar Sarr

Weeraryahanka kooxda Everton Iliman Ndiaye iyo khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Pape Matar Sarr, oo labaduba ka caawiyay Senegal inay u soo baxdo Koobka Adduunka FIFA 2026, ayaa sidoo kale waxaa ku jira liiska oo la sharraxay weeraryahanka u ciyaara Galatasaray iyo Nigeria Victor Osimhen, oo abaalmarintan ku guuleystay 2023.


Khadka dhexe ee Cameroon Andre-Frank Zambo Anguissa, weeraryahanka DR Congo Fiston Mayele, weeraryahanka Gabon Denis Bouanga, weeraryahanka Guinea Serhou Guirassy, iyo khadka dhexe ee Morocco Oussama Lamlioui ayaa dhammeystiraya liiska musharraxiinta.Saalax ayaa abaalmarintan ku guuleystay labo sanno oo isku xigta 2017 iyo 2018, halka Hakimi uu labadii sano ee la soo dhaafay galay kaalinta labaad.


Ciyaaryahanka abaalmarintan qaaday sanadkii hore

Ciyaaryahanka abaalmarintan qaaday sanadkii hore, Ademola Lookman, ma uusan gaarin liiska sanadkan. Guddiga khubarada ah ee ay magacowday Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa magacaabay ciyaartoyda, tababarayaasha, iyo kooxaha sameeyay "saameyn muuqata" muddadii u dhexeysay 6-da Janaayo ilaa 15-ka Oktoobar 2025.


Tababaraha xulka Cape Verde, Bubista, ayaa u sharraxan abaalmarinta Tababaraha Sanadka ee ragga, ka dib markii uu xulka Blue Sharks u hogaamiyay guushii ugu horreysay ee abid ee kasoo qeybgalka Koobka Adduunka.


Xulka Cape Verde ayaa sidoo kale u sharraxan abaalmarinta Xulka Qaranka ee Sanadka ee Afrika, iyadoo la tartamaya xulka Morocco ee dhawaan ku guuleystay Koobka Adduunka ee da'yarta U20.


Lamaanaha Nigeria ee Esther Okoronkwo iyo Rasheedat Ajibade ayaa ka mid ah musharraxiinta abaalmarinta Xiddigta Afrika ee Sanadka ee dumarka, taasoo la shaaciyay toddobaadkii hore.


CAF weli ma shaacin taariikhda rasmiga ah ee xafladda abaalmarinta.

Musharaxiinta ciyaaryahannada ee ugu wanaagsan sanadkan qaaradda Afrika

Xiddiga Ragga ee Sanadka:


Andre-Frank Zambo Anguissa (Napoli & Cameroon)

Denis Bouanga (Los Angeles FC & Gabon)

Serhou Guirassy (Borussia Dortmund & Guinea)

Achraf Hakimi (Paris Saint-Germain & Morocco)

Oussama Lamlioui (Renaissance Berkane & Morocco)

Fiston Mayele (Pyramids & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo)

Iliman Ndiaye (Everton & Senegal)

Victor Osimhen (Galatasaray & Nigeria)

Mohamed Salah (Liverpool & Masar)

Pape Matar Sarr (Tottenham Hotspur & Senegal)

Goolhayaha Ragga ee Sanadka:


Yassine Bounou (Al Hilal & Morocco)

Aymen Dahmen (CS Sfaxien & Tunisia)

Marc Diouf (TP Mazembe & Senegal)

Edouard Mendy (Al-Ahli & Senegal)

Munir Mohamedi (RS Berkane & Morocco)

Stanley Nwabali (Chippa United & Nigeria)

Andre Onana (Trabzonspor & Cameroon)

Ahmed El Shenawy (Pyramids & Masar)

Vozinha (Chaves & Cape Verde)

Ronwen Williams (Mamelodi Sundowns & Koonfur Afrika)

Tababaraha Ragga ee Sanadka:


Bubista (Cape Verde)

Moine Chaabani (Renaissance Berkane)

Hossam Hassan (Masar)

Krunoslav Jurcic (Pyramids)

Mohamed Ouahbi (Morocco U20)

Romuald Rakotondrabe (Madagascar)

Walid Regragui (Morocco)

Tarik Sektioui (Morocco U23)

Pape Thiaw (Senegal)

Sami Trabelsi (Tunisia)

Xulka Qaranka Ragga ee Sanadka:


Algeria

Cape Verde

Masar

Ghana

Ivory Coast (Côte d'Ivoire)

Morocco

Morocco U20

Senegal

Koonfur Afrika

Tunisia

Ciyaaryahannada dumarka ee ugu wanaagsan sanadkan qaaradda Afrika

Xiddigta Haweenka ee Sanadka:


Rasheedat Ajibade (Paris Saint-Germain & Nigeria)

Barbra Banda (Orlando Pride & Zambia)

Portia Boakye (Hapoel Petah Tikva & Ghana)

Tabitha Chawinga (Lyon & Malawi)

Temwa Chawinga (Kansas City & Malawi)

Ghizlaine Chebbak (Al Hilal & Morocco)

Mama Diop (Strasbourg & Senegal)

Rachael Kundananji (Bay FC & Zambia)

Sanaa Mssoudy (AS FAR & Morocco)

Esther Okoronkwo (AFC Toronto & Nigeria)

Goolhayaha Haweenka ee Sanadka:


Sedilame Boseja (Mamelodi Sundowns & Botswana)

Andile Dlamini (Mamelodi Sundowns & Koonfur Afrika)

Habiba Emad (FC Masar & Masar)

Khadija Er-Rmichi (AS FAR & Morocco)

Fatoumata Karantao (MUSFAS Bamako & Mali)

Cynthia Konlan (Swieqi United & Ghana)

Adji Ndiaye (AS Bambey & Senegal)

Fideline Ndoy (TP Mazembe & DR Congo)

Chloe N'Gazi (Marseille & Algeria)

Chiamaka Nnadozie (Brighton & Hove Albion & Nigeria).

Tababaraha Haweenka ee Sanadka:


Genoveva Anonman (15 de Agosto)

Kim Bjorkegren (Ghana)

Lamia Boumehdi (TP Mazembe)

Desiree Ellis (Koonfur Afrika)

Carol Kanyemba (Zambia U17)

Adelaide Koudougnon (Ivory Coast U17)

Justin Madugu (Nigeria)

Xulka Qaranka Haweenka ee Sanadka:


Cameroon U17

Ghana

Ivory Coast U17 (U17 ee Xeebta Foolmaroodi)

Mali

Morocco (Morooko)

Nigeria

Nigeria U17

Koonfur Afrika

Tanzania

Zambia U17 (U17 ee Sambiya)


Post a Comment

0 Comments