Dhulgariir baaxad weyn ayaa Jumcihii ku dhuftay dalka Morooko
Dhulgariir baaxad weyn ayaa Jumcihii ku dhuftay dalka Morooko kaas oo laga dareemay dalalka deriska ah. Hal mar waxaa joogsaday ama carqalad ku timid nidaamyadii adeegga bulshada iyo guud ahaan noloshii dadkii ku sugnaa halka uu dhul gariirku ka dhacay. Dad ka badan labo kun oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirkaas.
Dalkani wuxuu ka mid yahay dalalka waaweyn isla markaana saamenta leh qaaradda Afrika, saa darteedna waxaa ku sugan dadyow badan uu aan u dhalan dalkaan una joogay dano kala duwan. Waxaa dadkaas ka mid ahaa Kooxda Qaranka ee Gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliyeed oo halkaas kaga qayb galaya tartanka ciyaaraha Kubadda Kolayga Dumarka ee Dalalka Jaamacadda Carabta.
Hablahan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Gifts Club oo ah
Hablahan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Gifts Club oo ah naadi ka kooban hablo Soomaali ah oo ka kala yimid dalalka Australia, Maraykanka, Kenya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Marrakesh ee dalka Morocco kaga qayb gelayey koobka Arab Basketball Club Champions oo sannadkan halkaas lagu qabtay.
Sucaad Cabdillaahi Galow oo ka mid ah madaxda ururka Somali Women Foundation oo iyadu hoggaaminaysay kooxdan ayaa BBC-da uga warrantay xaaladdii ay dareemeen iyo wixii ay la kulmeen markii habeenkii Jumcaha dhulgariir culusi ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaas. (Halkan ka akhriso sheekadaas), balse hadda waxaan eegaynaa sida kooxdan Soomaaliyeed faa’iidday saameynta dhulgariiska.
Dabcan marka la eego dhibaatada kasoo gaartay dadka walaalahood ah ee ku dhintay, ku dhaawacmay amaba ku barakacay wax wanaag ah kuma jiro oo aan ka ahayn murug iyo naxdin. Balse kooxdan hablaha Soomaaliyeed ayaa dhibco aysan shaqaysan helay ka dib markii dhul gariirku dhacay.
Sidey ku heleen dhibcaha tartanka kubadda kollayga ee Jaamacadda Carabta
Ka dib markii uu dhacay dhul gariirku, maalintii xigtay waxaa dhacday in qof waliba oo aan degganayn dalkaas uu isku dayo inuu ka boxo kadibna waxaa buuxsamay dhamaan diyaaradihii.
Kooxda Soomaalida oo ka koobnayd 8 ciyaartoy
Kooxda Soomaalida oo ka koobnayd 8 ciyaartoy iyo ilaa 7 hawl wadeen ayaa isku dayey in ay ka baxaan dalka waxaase ku adkaatay inay ka baxaan magaaladii ay ciyaaruuhu ka dhacyeen iyo weliba in ay soo hor mariyaan tikadhatooda oo laabashadu ahayd 16-ka bisha.
Waxay intaas ka dib kooxdu go’aansadeen inay ka duulaan magaalo kale oo ay islahaayeen waxaad ka helaysaan diyaarad, “Waxaan go’aansannay inaan Kasablanka ka baxno oo noo jirta saddex saacadood, waanu ku guuleysannay,” ayey tiri Sucaad. Maadaama ay kooxdu dalal kala duwan u bixi lahaayeen waxaa ku adkaatay inay soo hor mariyaan dhaamaan tikidhadiida.
Saas darteed qaar ka mid ah ayaa loo helay inay baxaan 11-ka bisha halka ay 16-ka ka bixi lahaayeen. Hase yeeshee waxaa lasoo xiriiray, Xiriirka Kobadda Kolayga ee Jaamacadda Carabta oo u sheegay in aan laga baqayn dhulgariir kale sidaas darteedna ay ciyaaruhu sii scon doonaan. Runtii anaga markaas waxaa noo harsanayd saddex kooxood oo kala ah, Kuwait, Imaaraatka iyo Sucuudiga oo aan runtii ku rajo weynayn inaan ka awood badannahay, ayey tiri Sucaad oo hoggaaminaysay kooxdan.
Intaas ka dib waxay kooxdii Soomaalidu go’aansatay inay dib isu aruursadaan oo ay sii wataan ciyaarahooda, waxayna tikidhadii ama xilliga bixitaankooda dib ugu dhigeen 16ka bishan oo awal lagasoo badalay.
Balse mar kale waxaa lasoo xiriiray, Xiriirka Kobadda Kolayga ee Jaamacadda Carabta waxayna u sheegeen, kooxihii Imaaraatka iyo Sucuudigu “idinlama ciyaarayaan
sidaasna waxaa lagu siiyay dhibcihii labada kooxood oo wadar 12 dhibcood ah, waxayna u gudbeen kama dambeysta. Balse waxaa sidoo kale loo sheegay in ay 13-ka bisha la ciyaarayaan kooxdii kale, 14-kana loo baahan yahay inay ka baxaan dalka madaama 'la xirayo hoteelka ay degan yihiin'.
Waxay Sucaad Sheegtay in tikidhadii oo lacag aad u farabadan naga gashay aan hadana mar kale badelnay.
Waxaase weli u harsan hal koox oo ay maanta la ciyaarayaan waxaana loo sheegay in isla maanta oo 11-ka bisha sebteembar ah ay bixi karaan taas oo ka dhigan in ay mar kale badeli doonaan xilliga ay baxayaan.
Kooxdu weli waxay ku sugan tahay dalka Morooko wixii warar ee kasoo kordhana isla qormadan ayaan idinkula socodsiin doonaa.
0 Comments