Sababaha keena dhaawacyada ka dhaca garoomada kubbadda lagu ciyaaro ee Hargeysa

 



Waxaa kordhayey bilihii u dambeeyey dhaawacyada kala

Waxaa kordhayey bilihii u dambeeyey dhaawacyada kala duwan ee ka dhasha garoomada yaryar ee roogga la dhigo ee ku yaala Magaalada Hargeysa, halkaas oo dadka ku cayaara iyo dhallinyarada cuslaatay ee hilibka iska ridaya ay ku ciyaaraan xilliyada gelinka dambe iyo habeenkii.


Dhaawacyo isugu jira jabniin dhinaca lugaha, gacmaha iyo weliba kuwo halis ah oo dhinaca lafdhabarta ah, ayaa ka dhaca Garoomada xilliyada ciyaaruhu socdaan, iyada oo dadkan garoonka qaarkood laga dhex qaado iyaga oo aan socon karin.


Waxa magaalada Hargeysa ku soo batay 10 sano ee u dambeeyey garoomo yaryar oo la dhigay roogga ama doogga macmalka ah ee la dhigo garoomada adduunka ee kubadda cagta lagu ciyaaro.


Garoomadan casriga ah ee wakhtigan lagu ciyaaro ayey Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu ku qiyaastaa kuwa ku yaala Hargeysa in tiradoodu gaadhayso in ka badan boqol garoon, sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin.


Garoomadan oo ah kuwo dhererkooda iyo balacooda lagu

Garoomadan oo ah kuwo dhererkooda iyo balacooda lagu qiyaaso 30 meter, oo markiiba ay ku ciyaari karaan laba kooxood oo ka kooban mid toddoba ciyaartoy, marmarka qaarkoodna min lix ciyaartoy kooxdiiba, sida uu BBC-da u sheegay maamulaha garoonka Cali Gadhle ee ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa Xasan Cawaale Xayd.


Waxa labadii kooxoodba laga qaadaa lacag gaadhaysa inta u dhaxaysa 30 doollar ilaa 20 doollar saacadiiba oo ah inta ay ciyaarayaan.Maxaa sabab u ah dhaawacyada ay la kulmaan dadka kubadda ku ciyaara garoomadan


Dhaawacyada ka dhasha garoomadan ayaa ah kuwo dhaca inta badan xilliyada habeenkii ee kubadda la ciyaarayo, waxa loo aaneeyaa qodobbo kala duwan, sida uu sheegayo Xasan Cawaale Xayd, maamulaha garoonka Cali Gadhle “Waxa kow ka ah aqoon darro, waxa inta badan ciyaara qaarkood waa kuwo aan xirfad ciyaareed lahayn oo garoomada u yimaada in ay culays iska ridaan, waxa kale oo qayb ka ah kabaha ay ku ciyaaraan oo ah kuwa xagga hoose ku leh ilkaha”.


Tababaraha Kooxda Heerka Koowaad ee Asluubta ee Magaalada Hargeysa ka dhisan oo la hadlay BBC-da, ayaa isagu qaba in dhaawacyada ka dhasha garoomada lagu ciyaaro ay qayb ka yihiin garoomada laftooda qaabka loo goglay “Garoomada intooda badan waxa laga sameeyaa sabbad (shamiinto) ka dibna roog ayaa la dhigaa, taasina waxa ay keentaa in haddii dadka ku ciyaarayaa ku dhacaan ay dhaawacmaan, gaar ahaan jilbaha ka dhaawacmaan.


Sidoo kale dad miisaankoodu culus yahay ayaa garoomada yimaada kuwaas oo aan tababar soo qaadan, taasi waxay keentaa in qofku uu si fudud u dhaawacmo” ayuu yidhi Caynaashe Maxamed Cabdi.


Noocyada ugu badan ee dhaawacyada ay la kulmaan dadka kubadda Ciyaara

Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Yaasiin Cawil Cilmi, oo ah dhakhtar ku takhakhusay qalliinada oo ka hawl gala isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, dhaawacyada ugu badan ee la geeyo dhakhtarkooda waxa ka mid ah “Dad noo yimaada ee ku soo dhaawacma kubaddu waxay u badan yihiin jajabka gacmaha ah, gaar ahaan labada mataanood, lafaha faraha, lafta cududda, garabka, jilibka, kalxanta iyo seedaha”.


Noocyada dhaawacyada ayuu Dr. Yaasin Cawil tilmaamay in ay sabab u tahay in dadka kubadda ciyaara oo qaarkood aanu jidhkoodu dhisnayn, qof ciyaaraya oo aan is diirin inta aysan ciyaarta bilaabin ka hor iyo jidhkiisa iyo seedihiisa oo aan u diyaar ahayn inuu ciyaaro oo uu garoonka galo.


Maxay ka yidhaahdeen dhaawacooda dadkii ku waxyeeloobay iyaga oo kubad ciyaaraya

Axmed Baashe Xaaji Cali, oo qalliin dhinaca lugta ah lagu sameeyey maalintii Isniintii isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu dhaawacmay markii isaga oo kubadda ku ciyaaraya garoonka Caways iyo Cadalool ee Hargeysa ay isku dhaceen mid ka mid ah ciyaartoyda kooxaha ay wada ciyaarayeen  


Waxa aan Cisbitaalka Hargeysa ku maray qalliin markii aan ku jabay, garoomada dambe ee casriga ah ee Hargeysa, oo xilliyada roobabka aan loo samayn meel biyuhu ka shubmaan, oo biyuhu fadhiisanayaan garoonka dhexdiisa, ka dibna qofku ku siibanayo ayuu yidhi Axmed Baashe oo wakhtiga uu BBC-da u waramayey ku jiray mid ka mid ah qolalka bukaan jiifka ee isbitaalka Hargeysa.


Waxa uu sheegay in aanu ahayn ciyaartoy, balse uu ahaa dadka jimicsiga iyo caafimaadka ka qaadanayey kubadda uu ciyaarayey “U malayn maayo in aan ku noqon doono kubbad dambe, waayo dhibaato aan filayn ayaan la kulmay” ayuu intaas raaciyey.


Waxaan ahaa dadka jimcaha ciyaara kubadda, anigoo oo sidii caadiga ahayd ku jira garoonka kubbadna wata, xawaarana ku socda ayaa mar keliya dheeligii iga lumay oo aan dhulka ku dhacay” sidaa waxaa BBC-da u sheegay Dr. Cabdisalan Sulub, oo bishii hore qalliin dhinaca seedda ah loogu sameeyey isbitaal ku yaala Magaalada Addis Ababa, markii uu ku dhaawacmay garoomada lagu ciyaaro kubadda ee ku yaala Hargeysa, waxaanu intaasi ku daray “Markii aan baadhis maray waxa la ii sheegay in seedda qaybta jilibka hore ku jirtaa ay i go’day, qaybaha dambena uu dhaawac soo gaadhay”.


Dhaawacyada soo gaadha dadka kubbadda ciyaaraya ayaa qaarkood waxba lagaga qaban kari waayaa isbitaalka gudaha Hargeysa, si la mid ah sida Dr. Sulub lagula taliyey Dhakhtar dibedda ah, ayaa waxa Cabdifataax Siciid Cilmi oo ka mid ah dadka dhibanayaaha u ah kubaddan loo sheegay inuu dibedda Dhakhtar u doonto “Laba Seedood ayaa i go’ay, waxa la ii sheegay in aan dhaktar dibedda ah u baahanahay oo aan qalliin gelayo, markaa imikaan qorshaynayaa in aan cusbitaal dibedda ah raadsado” ayuu yidhi Cabdifataax Cilmi.


Door noocee ah ayey ku leedahay Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland la socodka bedqabka garoomadan

Sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, wasaaradda ayaa qiimayn iyo korjoogeyn ku samaysa wakhtiyada la dhisayo garoomadaasi, si loo hubiyo tayadooda.


“Wasaaradda doorkeedu waa in ay eegto garoomada marka la dhigayo tayadooda iyo inuu yahay noocii loogu talo galay garoomada iyo habka loo dhigayba waanu eegnaa” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Ciyaaraha Somaliland, waxaanu dhinaca kale qiray in ay jiraan dad badan oo garoomadaasi ku dhaawacma, gaar ahaan kuwa aan tayadoodu xun tahay.


Post a Comment

0 Comments