Maxaa ku dhacay cayaartoyda Nigeria ee Libya uga qeyb-geli lahaa koobka Afcon?

 




Kooxda Qaranka Nigeria Super Eagles ayaa dib ugu laabtay

Kooxda Qaranka Nigeria (Super Eagles) ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib 16 saacadood oo xaalad adag ay la kulmeen, taasoo keentay in kooxdu ay ku xannibmaan garoon ku yaalla Libya muddo saacado ah kahor inta uusan furmin tartan muhiim ah oo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika.


Kooxda Super Eagles ayaa lagu waday in Axaddii ay tagaan magaalada Benghazi balse diyaaraddooda ayaa loo weeciyay Al Abraq, oo ilaa 230km (143 meyl) ka fog halkii ay u socdeen. Sarkaal ka tirsan Naadiga Kubadda Cagta Nigeria (NFF) ayaa BBC Sport Africa u sheegay inay la kulmeen xaalad adag iyagoo lagu xiray gudaha dhismaha garoonka kadib markii ay qorsheysteen inay baxaan.


Kabtan William Troost-Ekong ayaa sheegay in kooxda ay go’aansatay inaysan tartanka ka qeybgelin wuxuuna dowladda dalkiisa ugu baaqay inay soo farageliso oo ay badbaadiso Wasiirka horumarinta cayaaraha Nigeria sanatar John Owan Enoh ayaa sheegay in walaacooda ugu weyn uu ahaa in kooxdu ay nabad kusoo laabato.


Naadiga Kubadda Cagta Libya (LFF) ayaa sheegay inay "aad uga walaaceen wararka sheegaya xaaladda ay la kulmeen cayaartoyda Nigeria balse waxay beeniyay warka ah in la khiyaamay. Waxaan u heynaa xushmadda ugu sarreysa dhiggeenna Nigeria waxaana dooneynaa inaan u xaqiijinno in weecinta duullimaadkooda uusan ahayn ku talo-gal, ayuu yiri naadiga.


Xiriirka kubadda cagta Afrika (Caf) ayaa xiriir la sameeyay wakiillada Libya iyo Nigeria kadib markii kooxda Super Eagles ay ku xannibmeen garoonka iyagoo xaalad adag wajahay. War uu soo saaray Caf ayaa intaa ku daray in xaaladda loo gudbiyay guddiga anshaxa si baaritaan loogu sameeyo tallaabana looga qaado.


Habeen aan la mahdin oo lagu qaatay 'xabsi' gudaha garoonka

Madaxa warbaahinta NFF Promise Efoghe ayaa sheegay in wax sabab ah aan lagu sheegin go’aanka diyaaraddooda loogu weeciyay Al Abraq. Ma jiro qof ka socday FA-ga Libya oo sabab ka bixiyay amaba caddeyn keenay ayuu yiri.


Libyaanka wax dadaal ah kuma bixin inay gacan ka geystaan. Markii NFF ay isku dayday inay qorshe kale sameyso, waxaa nalagu xiray gudaha garoonka.


Waa sida inaan ku jirno xabsi ku dhex yaalla garoonka Weerar-yahanka Nigeria Victor Boniface ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in kooxda aan la siin cunto, wi-fi ama meel ay seexdaan, isla markaana akoonka Super Eagles ee X lasoo dhigay sawirrada cayaartoyda oo isku kala bixiyay kuraasta garoonka.


Naadiga LFF ayaa dhankooda sheegay in xaaladaha noocan ah dhici karaan sababo la xiriira dhanka baratakoolka hawada, baaritaan ammaan amaba caqabado dhanka farsamada ah, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in is afgaranwaaga "lagu xallin karo is afgarad iyo niyad-wanaag Libya oo beenisay inay khiyaano meesha ku jirtayArrintan ayaa daba socota cabashada Libya ee la sheegay in si aan habbooneyn loola dhaqmay markii ay dhowaan booqdeen Nigeria.


Saraakiisha Libya ayaa sheegay in cayaartoyda dib loogu celiyay Port Harcourt isla markaana waxay ku eedeeyeen dhiggooda Nigeria inaysan siin bas ay ku tagaan magaalada Uyo oo ku qaadaneysay safar 130km ah, taasoo keentay inay saacado xannibmaan.


Arrintaas ayaa waxaa beeniyay NFF.


Troost-Ekong ayaa sida loola dhaqmay cayaartoyda Nigeria ku tilmaamay cayaar maskaxeed Safarka Al Abraq ilaa Benghazi ayaa qaadan lahaa in ka badan saddex iyo bar saacadood marka waddada lagu safro, balse Troost-Ekong ayaa sheegay in cayaartoydu aysan dooneyn inay safar noocaas ah galaan sababo xaaladda ammaanka ee Libya ah.


Dalkaas ayaa u kala qeysan labo maamul - mid xukuma gobolka bari, oo Benghazi ay ka mid tahay, iyo kan kale oo xukuma galbeedka oo ay ku jirto caasimadda Tripoli. Labada dowladood ayaa midba sheegta inay yihiin maamulka saxda ah.


Post a Comment

0 Comments