Fadeexaddii ugu weynd ee kufsi wiilal loo tabarayo banooniga oo loo heysto dalkan Afrika

 




Hay’adaha maamula kubadda cagta adduunka ayaa wajahaya eedeymo ah

Hay’adaha maamula kubadda cagta adduunka ayaa wajahaya eedeymo ah inay ku guul darraysteen inay ilaaliyaan dhibanayaasha da’da yare e xadgudubyada galmada ee Gabon. Barnaamijka Africa eye ayaa la hadlay in ka badan 30 qof oo markhaatiyaal ah, kuwaasoo ka hadlay shabakad muddo 30 ah cayaaraha dhibaato kula dhex jirtay.


Eedeymaha ayaa ka soo billowday dalkaas Afrikada galbeed ku yaalla sannadihii sagaashameeyadii. Mid ka mid ah dhibanayaasha oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa tilmaan ka bixiyey wixii uu la kulmay xilligii uu dhallinyarada ahaa ee uu ku jiray xerada lagu xareeyo cayaartoyda ka yar 17ka sano. Wuxuu sheegay in isaga iyo saaxibkiis hurdada laga toosiyey saqdii dhexe oo la geeyey qol uu ka dhex shidnaa nal gaduudan, halkaasoo ay ka buuxeen rag qaawan.


Waxay bilaabeen inay na taa-taabtaan aniga iyo saaxibkay mana aanan fahmin. Waxaan bilaabay in aan alle baryo. Waxaan doonayey in aan dibadda u baxo, laakin irridda ayaa la xiray. Way I qabteen dhulka ayeyna ayeyna igu tureen. Waxay ahaayeen laba nin oo amaanka qaabilsan. Waxay u muuqdeen inay diyaarsanaayeen” ayuu yiri.


Waan arkayey sidii ay u bilaabeen kufsigii ay u geysteen saaxiibkey. Indhaha ayaan ka fiiriyey, isaguna wuu i soo eegay. Waan ooyey oo qayliyey, oo qayliyey. Waxay ii sheegeen in aan marnaba la ii ogolaan doonin in la i xusho haddii aan ka hadlo wiii dhacay, qoyskaygana la dili doono”. Marnaba uma uusan cayaarin Gabon mar kale.


Barnaamijka Africa eye ee BBC waxaa soo gaartay in ay jireen dhowr

Barnaamijka Africa eye ee BBC waxaa soo gaartay in ay jireen dhowr isku day oo maamulayaasha lagu wargelinayey wixii sannadahaas dhacayey. 2019 ayaa cataartoygii xulka qaranka ee Gabon Parfait Ndong wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa si uu u sameeyo akadeemiyada Jardin de football au Gabon. Wuxuu ahaa qof aad looga qaddariyo kubadda cagta ee Gabon, wuxuuna qaranka u saftay 45 goor, isagoo naadiyada Yurubna u soo cayaaray. Markii uu ogaaday wixii dhacayey ayuu ku wargeliyey maamulayaasha.


Waxaan qaadayey dhamaanba talaabooyinka aan qaadi karay” ayuu u sheegay BBC, isagoo intaa ku daray inuu la hadlay guddoomiyaha horyaalka, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee loo yaqaano Fegafoot, iyo wasiirkii cayaaraha ee xilligaas.


Wuxuu sheegay in dadaalladiisa oo dhan la iska indho tiray, wuxuuna u jeestay inuu la hadlo saxaafadda gudaha: “Ma jirin qof doonaya inuu dhegeysto wixii aan sheegayey Lama ogaan ilaa iyo wargeyska The Guardian ee UK uu wax ka qoray xadgudubyada bishii Disembar 2021, markaasoo afar tababare la xiray. Seddex ka mid ah weli xabsiga ayey ku jiraan.


Eedeynta ugu culus waa tan loo haysto Patrick Assoumou Eyi, oo ku magac dheer “Capello Muddo tobanaan sano ah wuxuu ahaa tababaraha 1aad ee kooxaha dhallinyarada xulka qaranka, wuxuuna Capello lahaa awoodda uu ku go’aamin karo cidda heerkaas markay taagan tahay u cayaari karta Gabon.


Bishii Disembar 2021 ayaa guddi madax banaan oo FIFA u qaabilsan anshaxa wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah

Bishii Disembar 2021 ayaa guddi madax banaan oo FIFA u qaabilsan anshaxa wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah oo la xiriira wararka ku saabsan xadgidibyo galmo oo uu gaystay Capello, waxaana laga joojiyey hawl kasta oo la xiriirta kubadda cagta. Baaritaankaas waxaa gudaha dalka hormuud ka ahaa guddi anshaxa qaabilsan oo Fegafoot ay qabatay, bishii May 2022-na guddiga baaritaanaka ee FIFA ayaa hawshiisa si rasmi ah baaritaanka hordhaca ah u guda galay.


Su’aalo ayaa ka dhashay arrintaas kuwaasoo la xiriira in maamulayaashu ay ogaayeen iyo xilligii ay ogaayeen. Alexis oo magaciisa la beddelay si loo ilaaliyo haybtiisa ayaa ka mid ahaa dhallinyarada kubadda cagta ee Gabon ka soo baxay, markii dambana ka cayaaray Yurub. Wuxu BBC u sheegay in sababta kaliya ee uu sida furan uga hadlayo arrinta ay tahay in uusan joogin dalka. Haddii uu joogi lahaa wuxuu sheegay in naftiisa ay khatar gali lahayd.


“iminka waxay xireen Capello, laakinse muddo intee le’eg ayey ogaayeen oo aysan waxba ka qaban? Waxay ku istaageen halkii ugu hooseysay, waxayse arrintu is haysataa ilaa halka ugu sarreysa, waxayna samayn doonaan wax kasta oo ay ku qarin karaan. Capello waa lagu kiis-baxayaa, waa in madaxda ugu sarraysa lala xisaabtamaa”.


Post a Comment

0 Comments