Wasiirka Arrimaha Dibadda oo arrimo muhiim ah kala hadlay Antoine Grand

 




Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa  Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya


Mudane Antoine Grand, oo booqasho ugu yimid si uu ugala hadlo arrimaha iskaashi wadaagga.


Intii kulanka lagu guda-jiray

Intii kulanka lagu guda-jiray, Mudane Antoine Grand waxa ugu hambalyeeyay Wasiirka xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ku guuleysto, 


warbixin guudna ka siiyay howlaha ICRC ee Soomaaliya iyo baaxadda howl-qabadkeeda guud ahaan dalka.


Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta

wadashaqaynta iyo ballaarinta barnaamijyada ICRC, iyadoo la hubinayo in taageerrada bani’aadantinimo si siman loo gaarsiiyo dhammaan gobollada Soomaaliya


Labada dhinac ayaa isku-af-gartay xoojinta iyo kordhinta howlaha iyo isku-dubbaridka si loogu adeego baahiyaha bulshooyinka oo idil.


Post a Comment

0 Comments