Orod-yahan Nageeye oo BBC-da uga sheekeeyay guushii uu kasoo hoyay New York

 

Orod-yahan Nageeye oo BBC-da uga sheekeeyay guushii uu kasoo hoyay New York



Cabdi Nageeye oo haysta dhalashada dalka Netherlands

Cabdi Nageeye oo haysta dhalashada dalka Netherlands ayaa ku guuleystay tartanka orodka dheer ee magaalada New York oo Isniintii la qabtay. Marka laga hadlayo magaalooyinka tartanka dheer ee maradoonka lagu qabto, New York waxaa ka dhaca kan ugu weyn.


Nageeye ayaa ku dhameeyay orodka si xooggan isagoo dhaafay Evans Chebet oo u dhashay Kenya kaas oo qaaday horyaalkii 2022-kii.


Nageeye waxa uu ku orday labo saac iyo toddobo daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi. Tani waxay muujineysaa sida tartanka u adkaa iyo orodka cajiibka ah uu soo bandhigay Nageeye.


Nageeye waxa uu BBC-da u sheegay in saddex jeer oo hore uu tartanka ka qeybgalay uu guuldareystay. Sanadkii ugu horeeyay ee aan ka qeybgalo wuxuu ahaa 2021-kii, afaraad ayaan galay sanad walba waa soo dhawaanayay”


Tartanka waxaa ka qeybgalay shantii sano ee la soo dhaafay ragii badiyay, mana aheyn mid si fudud lagu qaadi karay. Nageeye oo ka hadlay sababta ay ku dhacday in uusan guuleysan sanado badan oo tartanka uu ku soo laabto ayaa sheegay in marba uu heer ka soo gudbayay.


Waa guusheydii ugu weyneyd, sanado ayaan orodka ku jiray, waxaa jirtay marar aan badin karay, marba waxbaa si iga ahaa Nageeye wuxuu sheegay in sanadkan uu soo qaatay tabar adag, aadna isugu soo diyaariyay. Tartanka ayaa aad u adkaa iyadoo cimiladana aysan caawineyn orodyahanada.


Tartanka wuu cuslaa, qabow iyo dabeyl ayaa jiray


Nageeye wuxuu sheegay in dad badan ay guushiisa ugu hambalyeeyeen isagoo xusay in madaxda ugu sareysay Netherland ay ka mid ahaayeen dadkii u soo diray fariimaha hambalyada.


“Fariimo badan ayaa la ii soo diray markii aan guuleystay xitaa taleefoonkeyga waan furi waayay, boqorka dalka iyo raysalwasaaraha ayaa ii soo diray fariimaha hambalyada”.


Mar uu ka hadlayay dareenkiisa guusha, Nageeye waxa uu sheegay in daqiiqadihii ugu horeeyay uu u qaadan waayay in uu yahay qofka guuleystay. Waxay igu noqotay layaab markii aan arkay adduunkii oo dhan oo i hortaagan”


Nageeye oo BBC-da la hadlay isagoo markaas gaaray Netherland ayaa sheegay in marna uusan quusan. Wuxuu sheegay in niyad-jabkii uu kala kulmay orodkii Olambikada in aysan beddelin rajadiisa guusha.


Markasta waa in aad hubisaa waxaa ka khaldan, ciyaartoy badan ayaa jira oo naadiyada heerka koowaad Yuurub soo galay, hadana lama haayo, waa in lays weydiiyaa waxa khaldamay oo aan la quusan”


Nageeye wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aad dadaashid oo aad saxdid wixii kaa khaldama si aad hore ugu sii socoto.


Sidee ayuu orodka ku bilaabay Nageeye?


Magaciisa oo saddexan waa Cabdiraxmaan Aadan Nageeye, balse waxa ay dadka inta badan u yaqaannaan Cabdi Nageeye.


Nageeye ayaa waxaa uu ku dhashay magaalad Muqdisho sanaddii 1989-kii. Dagaalkii sokeeye markii uu dhacay, Nageeye iyo qoyskiisa waxay u soo qaxeen dalka Itoobiya. Cabdiraxmaan Adan Nageeye iyo qoyskiisa ayaa waxay sanaddii 1996-dii ay tageen dalka Holand oo muddo 4 sano ah ay ku noolaayeen.


Nageeye ayaa Soomaaliya ku laabtay 2004-tii halkaasi oo markii uu muddo ku sugnaa uu mar kale dib ugu laabtay dalka Holand. Nageeye oo BBC la hadlay ayaa sheegay in orodka uu bilaabay sanaddii 2007-dii.


"Orodka waxaan bilaabay 2007-dii si kadis ah ayeyna ahayd, nin ka tirsanaa qoys caddaan ah oo aan la daganaa ayaa igu dhiirigaliyay in aan la ordo maadaama aan fasax ku jiray, kubaddana ayaan ciyaari jiray, marka waxaa uu igi yiri 3 usbuuc ayaad fasax tahay si aad kubadda ugu sii fiicnaatid kaalay i raac waan ordaaye, marka sidii ayaan ku raacay isagii ayaan ka badiyay," ayu yiri Mr Nageeye.


Orodyahankan ayaa sheegay in markii ninkii ay wada ordayeen uu ka badiyay uu u sheegay in uu leeyahay hibo dhanka orodka ah, islamarkana ay tahay in tartanada uu ka qeyb galo.


Labo usbuuc ka dib orod ayaan ka qeyb galnay, waxaa uu igu yiri Cadi Nageye ma ogtahay in aad haybad aad ah leedahay, anigana orodka waxbo kama fahansaneyn, wuxuu igu yiri 9 sano ayaan ordaayay, waadna iga badisay,


Cabdiraxmaan Adan Nageeye ayaa xusay in isagu uu aad u jeclaa kubdda cagta, balse ninkaasi ay wada ordayeen uu u sheegay in kubadda uu iska dhaafo oo orodka laga yaabo in uu meel fog ka gaaro.


Wareysi ay hore BBC ula yeelatay ayuu ku sheegay Nageeye in uu jeclaan lahaa in dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Soomaaliya uu caawiyo balse aysan duruufaha hadda jira saamaxeyn.


Waxaa uu sheegay in Soomaaliya haddii uu ku laabto uusan heleyn tababar iyo gacan fiican, taasina ay tahay sababta uu u doorbiday in uu u ordo dalka Holand oo uu ku yimid lixjir ah.


Post a Comment

0 Comments