Maxaad ka taqaan gabadhan wiilasha ku tababarta kubadda cagta

 




Inta badan marka laga hadlayo kubadda cagta bulshada Soomaalida

Inta badan marka laga hadlayo kubadda cagta bulshada Soomaalida dhexdeed waxaa ad loogu yaqaanaa in ay ciyaaraan ragga.Marka ciyaarta laga soo tago waxaa aad u adag in aad aragto kooxo ay leylinayso ama tababarayso haweeneey.


Janaay Isaaq Adan oo ah hooyo ayaa waxaa ay qaadday tallaabo aan inta badan looga baran dumarka bulshada Soomaalida dhexdeeda.Janaay ayaa waxaa ay tababare u tahay kooxo kubadda cagta ah oo ah wiilal dhallinyaro ah oo leh da'a kala duwan, islamarkaana ku nool xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab.


Howsha tababarannimada ayaa waxay wadday muddo saddex sano ah, waxa ayna soo saartay da'a yar leh xirfad sare oo dhanka kubadda ah.Janaay Isaaq Adan ayaa waxa ay ku guuleysatay tababarka ilaa saddex kooxood oo ka dhisan xerada qaxootiga ee Dhagaxley.


Hadda waxaan soo saaray kooxdii ugu horeysay way baxeen

Hadda waxaan soo saaray kooxdii ugu horeysay way baxeen, kooxdii labaad waan wadaan kooxdii saddexaad iyo juuniyar na wana wadaa ayay tiri Janaay. oo BBC la hadshay ayaa sheegtay in arrintan ay ku dhaqaaqday ka dib markii ay aragtay dhallinyaro badan oo u leexday dhanka balwadaha.


Ciyaartooyda ay tababarto ayaa isugu jira kuwo da'dooda aay aad u yartahay iyo kuwo meel dhaxaad ah, taasi oo ay sheegtay in ay uga gol leedahay in ay uga jeediso muqaadaraadka.


Kooxda la yiraahdo walaalaha waa koox aad yaryar u ah oo ay da'doodu tahay 15 jir ilaa iyo 13 jir iyo 14 jir inta u dhaxeysa, kan ugu wayn waa 15 jir oo aan aniga hooyo ahaan aan isku dhiirigaliyay inaan tababare u nqodo taasi ah markii aan ku arkay muqaadaraad iyo balwad iyo dhalinyarada inay kala daadsan tahay, taasaa igu dhiirigalisay ayay tiri Janaay.


Janaay Isaaq Adan ayaa dhanka kale sheegtay in marka laga soo tago dhanka u tababaridda kubadda cagta ay sdioo kale ay da' yarta ka dhisto dhanka akhlaaqda.


Hadda waxaad mooda in murraalkoodii iyo fikradoodii iyo muuqaalkoodii xitaa uu isbadalay, inaan ku dhiiri galiyo salaaddii iyo baarinnimada waalidka oo waalidiinta qaarkood ka cabanayay caruurta ay hadda ii yimaadaan oo ay leeyihiin intaad tababaraha u noqotay aad baan edeb iyo baarinnimo uga helnay" ayay intaa ku dartay.


Caqbadaha ay la kulantay

Janaay Isaaq Adan ayaa sheegtay in saddexdii sano ee ay ku guda jirtay howsha tababarnnimada ay ay la kulantay caqabado badan. Waxa ay farta ku fiiqday in ay aad uga baqi jirtay tagidda garoomada ay tababarka ku bixiso maadaama aan dumarka looga baran in ay goobahaasi tagaan ayna aad uga cabsi qabtay in la dhibaateeyo.


Aad ayey u badan yihiin caqabadaha, gaar ahaan markaan garoomada tagayo waan cabsadaa walow aan dumar ahay, dumarka Soomaalida sida aad ogtahay guryaha ayey u badan yihiin caqabad badan ayaa jirta waliba garoomada markaan tago aad ayaan u cabsadaa in meeshaasi la igu dilo ayey tiri Janaay.


Waxa ay carabka ku dhufatay Janaay in bulshada ay taageero badan kala kulantay, balse ay jiiraan dda ka soo horjeeda howosha ay waddo oo mararka qaar ay hanjabaado kala kulanto.


Mararka qara inta la i soo waco ayaa la i dhahaa gabadh baa tahay hooyo ayaa tahay waxaas laguuguma talagalin maxaad tababare noqon kartaa', marmar waxaan la kulmaa goodis la i soo dhaaranayo ee la i leeyahay haddii aad waxaas ka bixi wayso anagaa kaa saarayna" ayey tir Janaay.


Janaay Isaaq Adan ayaa sheegtay in ay mar kasta isku daydo in dadka ka soo horjeeda howlaha ay waddo ay ka dhaadhiciso muhimadda ay leedahay shaqada ay hayso.


Runtii waxaan uga dabaasaha oo aan ka dhadhiciyaa kan waxyaabaha khaldan iga aaminsan ama fikradda qaldan waxaan u sheegaa in ilmaha maanta daadsan ee dhalinyarada ubaxa aan hooyo u ahay oo waxa igu dhiiri-galiyay ay tahay in tahriibka iyo khaladaadk aan ilmaha ka reebo" ayay xustay.


Caqabadaha kale ee haysta ayay sheegtay inay yihiin kuwa agabka dhanka ciyaaraha ah sida dharka iyo kabaha taasi oo ay sheegtay in aysan jirin cid ka caawisa. Waxaa jirta dhalinyarada kuwa ana hadda balwadda ka reebay , waxa jirta kuwa badan oo hadda aan qorsjaynayo in aan ka reebo ayey tiri. Waxa BBC u sheegtay in aysan helin caawimaad ku filan sida qalabka, sidaa darteedna ay jeceshahay in dhankaas laga taageero.


Post a Comment

0 Comments