Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay hogaanka Golaha in uu si ula kac ah u baajiyay shirarkii Barlamaanka, isaga oo aan haysan wax cudur daar ah.
Xildhibaanadan ayaa sheegay
Xildhibaanadan ayaa sheegay in ay diyaariyeen soo jeedinta xil ka qaadista gudoomiyaha golaha oo ay ku eedeeyeen in sifo aan sharci ahayn inuu xasaanadda uga qaaday xildhibaan ka tirsan Barlamaanka.
Xidlhibaanada shirka jaraa'id qabtay
Xidlhibaanada shirka jaraa'id qabtay waxa kamid ah Saadaq Cabdillaahi Cabdi, wuxuu u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo marka hore weydiiyay bal in uu ka warramo nuxurka shirka ay qabteen.
0 Comments