Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen
Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen xubnaha mucaaradka oo bayaan ay soo saareen uga hadlay muranada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakicinta dhulalka danta guud.
Qoraalka oo ay si wadajir usoo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin culus loogu diray ganacstada
Sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale
Sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, sida loo dhigay qoraalkaan.
Saddexda nin ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay wax ay ugu yeereen booli qaran oo hantida danta guud ah.
Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Haddaba sidee looga fal-celiyay?
Cali Malaas ayaa yiri Ganacsato inta aad faa’iido doonaysaan dalkiinna bur bur ha u horseedina
Xasan Xaaji Cadow Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed dalka amni iyo cadaalad ayuu baahi daran ugu qabaa waxaa aaminsanahay in talada dalkaan adiga ku baahantahay si aan yoolkaas u gaarno
Siyaad Maxamed Dool ayaa isna ku jawaabay Waa muhiim in la difaaco hantida shacabka Cabdullaahi Barakaad Waaa cawaaqib xumo ka dhalan karto milkilaha beentaa iyo dowlada Soomaaliya 2026
Bulxan Goley “War caano daatay dabadood baa la qabtaa ee bal dhulka danta guud halaga gaaro
0 Comments