Mareykanka oo shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee Soomaaliya

Somalia iyo USA


Safaaradda Mareykanka  ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, kaddib kulan ay la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Sareeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin.


Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo saldhigyo cusub loo sameyn doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta ka ah guutada Danab.


Warkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay isku diyaarinayso wajigii labaad ee dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, kaas oo lagu dhawaaqay bishii March.


Maraykanka ayaa taageero muhiim ah u fidin doona ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Danab oo Mareykanku u tababaray la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.


Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Dowladda Soomaaliya ay olole ugu jirto sii wadista taageerada caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada.


Post a Comment

0 Comments