Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xarumo caafimaad oo wareega gaarsiisay dowlad goboleedyada dalka qaarkood

Wasiirka caafimadka somaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda   Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta qaar ka mid ah wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku wareejiyay xarumo caafimaad oo wareega oo loogu talagalay in lagu caawiyo hooyada iyo dhallaanka.


Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidkan oo loo qalabeeyay xarumo caafimaad ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Saraakiil ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadweynaha ee UNFPA iyo marti sharaf kale.


Gaadiidkan oo ah shanta nooc ee caafimaadka wareega ayaa waxa ay wax ka tari doonaan dhimista tirada dhimashada ee ku dhacda xilliga dhalmada, sidoo kale waxa ay gacan ka geysan doonaan sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada iyo kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed.


Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay in gaadiidkan lagu qalabeeyay ay wax badan ka tari doonaan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolo, Beledweyne iyo Gobolka Banaadir.


Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay daboolidda baahiyaha caafimaad iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro himilooyinka horumarinta caafimaadka ee dowladda.

Post a Comment

0 Comments