Subax ka mid ah todobaadkii la soo dhaafay markii afar ilaa shan nin oo ay ku jiraan kuwo ka socda waaxda waraabka dawladda ay yimaadeen tuulada Amiyayar ee u dhaw magaalada Sasaram ee dalka Hindiya, iyaga oo wata qalab dhulka lagu qodo iyo gaas lagu jaro qoryaha, dadka deedaanku waa way farxeen.
Waxay moodeen in dawladdu ugu dambeyn aqbashay dalabkoodii ahaa in laga hagaajiyo buundo duq ah oo burburtay, Mudo saddex maalin ah ragu waxay imaanayeen buundada todobada subaxnimo iyaga oo ka rawaxayay gabal dhaca, iyaga oo burburinayay haraadiga buundada, birtana ku goynayay suujimo. Sidoo kalana isticmaalayay qalab dhulka lagu qodo si ay dhulka u jilciyaan.
Kadib birta buundada waxaa lagu gurayay gaari, iyada oo la geynayay baqaar uu leeyahay nin ka ganacsada birta "Ma jirin qof ka shakiyay in ay tuugonimo ahayd" sidaas waxaa BBC da u sheegay weriye daris la ah buundada. "Subax walba ayaan banaanka ku soo luga baxsadaa, marka todobaadkii hore ayaan arkay raga oo shaqada ku jira. Qofwalba oo dadka deegaanka ahna wuu arkay" ayuu raaciyay hadalkiisa.
Waxaa la sheegay in burburinta buundada uu kormeere ka ahaa Arvind Kumar, oo shaqaale galin shaqeeya ka ah waaxda waraabka, kaas oo u sheegay qof walba oo wax ka waydiiyay in dayactir mesha ka socdo, Waxa uu ka mid yahay sideed qof oo ilaa iyo hadda la xiray, sargaal sare oo boolis ah oo lagu magacaabo Ashish Bharti oo madax ka ah baaritaan arintaan lagu sameynayo ayaa BBC da sidaas u sheegay.
Buundadan birta ah ayaa la dhisay sanadkii 1976, lamana isticmaaleynin ilaa iyo 2000 kadib markii meel u dhaw laga dhisay buundo kale oo fiican "Waxay ahayd xaalad dhab ah oo buundo dhan la waayay", sidaas waxaa yiri Shailendra Sing oo ka mid ah dadka tuulada.
"Mudo sanado ah alwaaxii bundada wuu jajabay birtiina waa daxalaysatay. Tuugadu waxay xadeen cadad ka mid ah birta si ay dib ugu iibsadaan oo ay uga helaan lacag yar oo sandeero ah. Laakiin wixii dhacay todobaadkii la soo dhaafay waxay ahaayeen dhac harcad ah," ayuu yiri.
Pawan Kumar oo ku nool xaafad ka mid ah tuulada ayaa shanti April oo ah maalinkii saddexaad ee la burburinayay buundada daxalaysatay waxa uu maqlay in buundadii la jarayo.
"Waxaan isku dayay inaan waco sarkaal sare oo ka tirsan waxaada waraabka oo lagu magacaabo Radhe Shyam Singh, laakiin markii uu iga qaban waayay waxaan wacay sarkaal sare si aan u waydiiyo waxa ay u raaci waayeen qorshaha: maamulka waxaa laga rajeynayay in uu qanadaraas soo xayaysiiyo, shaqadana la siiyo qofka ugu qiimo jaban" ayuu yiri.
Sarkaalkii waxa uu sheegay in uusan soo saarin wax amar ah oo buundada lagu burburinayo arintaana uusan war ka hayn, Kadib cabasho ayaa loo gudbiyay booliska, oo sameeyay baaritaan lagu daba galayo kiiskan," Waxaan qabannay qalab dhulka lagu qodo, suujimo, gaas, gaari dul-banaan ah iyo 247 kiilo oo bir ah" ayuu yiri Bharti.
Qaybo badan oo ka mid ah Hindiya tuugadu waxay marwalba xadaan tubooyinka biyaha, iyaga oo ka iibiya warshado sharci darro ah oo sameeya qoyo gacan ku samays ah, Sidoo kale tuugadu waxay la baxaan daboolada bulaacadaha iyo xitaa tuunjiga suuliyaasha ee tareenada.
Dhawr sano ka hor markii shirkadda tareenada Hindiya ku dhawaaqday in ay dayac tirayso suuliyaasheeda, waxay sheegtay in ay silsilado ku xiri doonto tuunjiyaasha birta ah si ay tuugada uga ilaaliso, Laakiin dhibaatada tuugada biraha xada kuma eka Hindiya oo kaliya, ee waa mid ka jirta Maraykanka, Ingiriiska iyo qaybo badan oo ka mid ah Yurub.
0 Comments