Markii Ninon Ferguson ay kelideeda ugu deeqday nin shaqo wadaag la ah, waxaa la moodayay inay kaftamayso, Stuart Middleton ayaa horay waxaa keli ugu deeqday hooyadii, balse sanado kadib ayay u shaqeyn wayday, Ninon ayaa maalin iyagoo is xaal waraysanaya u sheegtay inay diyaar u tahay inay u bixiso kelideeda, balse filan waa ayay ku noqotay Stuart.
Hase yeeshee hooyadan 36 jirka ah ayaa go'aansatay inay badbaadiso noolasha ninkan ay wada shaqeeyaan. Waxa ay BBC Scotland u sheegtay inay doonaysay inay wax "wanaagsan" samayso inta ay nooshahay, "Dadku waxay i weydiiyaan maxaad kelidaada ugu deeqday, jawaabtuna waa in Stuart uu dhalay laba wiil oo da' yar oo u baahan," ayay tiri.
"Waxaa ii jooga wiil la da' ah canugiisa weyn, marka waxaan dareemay dhibaatada ay leedahay in wiilashaas ay aabo la'aan ku dhacdo." Qoyskeeda oo ku nool dalka Faransiiska ayaa ka xumaaday in gabadhooda ay go'aankaas qaadatay, balse markii way aqbaleen.
"Qoyskeygu way ka xumaadeen go'aanka aan qaatay iyagoo ka walaacsan saameynta caafimaad ee ay igu keeni karto kelida aan bixiyay," ayay tiri Ninon. "Waxa ay moodayeen in dadka ehelka oo keliya ay xubnaha jirka isugu deeqaan oo aanay ku jirin asxaabta shaqada. Hadda se maadaama aan caafimaaday way ku faraxsan yihiin go'aanka aan qaatay."
"Waan ku faraxsanahay in Stuart oo ah qof wanaagsan aan keli ugu deeqay." Ninon, oo xisaabaadka u qaabilsan shirkadda tamarta ee Intergen ayaa wiilkeeda Zander oo 8 jir ah kula nool magaalada Edinburgh, Go'aankeeda lama aysan waadin dadka intooda badan ilaa kadib markii ay qalliinka gashay ee kelida laga saaray bishii November 2017.
"Ma dooneyn in dadka ay walaac igu abuuraan oo aan ka laabto qorshahaas. Waan hubay inuu ahaa go'aan sax ah, marka cidna uma sheegin," ayay tiri. Ninon ayaa lagu sameeyay baaritaanno caafimaad si loo xaqiijiyo in ay kelida ugu deeqi karto Stuart.
Qalliinka kadib, waxaa dhowr todobaad xanuunayay dhabarka, balse hadda way fiican tahay, waxaana ay ku nooshahay hal keli. Waxay sheegtay inay dadka kale ugu baaqayso inay ku deeqaan keli. Shirkadda ay u shaqeyso ee Intergen ayaa ku abaalmarisay "ficilkeeda naxariista iyo geesinnimada leh".
David Bogie, oo ah madaxa maaliyadda ee shirkaddaas ayaa sheegay in waxa ay Ninon samaysan aan lagu tilmaami karin saaxiibtinno caadi ah, balse ay tahay heer aan la gaari karin. "Waa arrin caqliga ka weyn in qof uu saaxiibkii shaqada ugu deeqo qeyb kamid ah jirkiisa. Waa arrin cajiib ah. Aad baan ula yaabnay marka aan maqalnay tallaabada ay qaaday Ninon, balse way na dhiiragelisay," ayuu yiri Bogie.
Stuart oo 46 jir ah ayaa sheegay inuu yahay nin nasiib badan, isla markaana deeqsinimada Ninon ay tahay mid aan la qiyaasi karin. "Ma filayo inay jiraan dad badan oo ficilkaas samayn lahaa," ayuu yiri. Guud ahaan UK, in ka badan 100 qof ayaa sanadkiiba keli ugu deeqa dad aysan aqoon.
"Qalliinka ayaa dhibaato u keeni kara qofka bixinaya kelida iyo kan loo gelinayo, balse haddii uu sida la rabo u dhaco, waxa uu noolal wanaagsan u horseedi karaa bukaanka," ayay tiri Professor Lorna Marson oo ka tirsan hay'adda Kidney Research UK.
0 Comments