maal qabeenimo,sidee baad hantile ku noqon karta.

Jeff Bezos

Jeff Bezos waa ninka ugu taajirsan caalamka wuxuuna hoggaamiyaa mid ka mid ah shirkadaha ugu guusha badan caalamka, waana shirkadda Amazon oo isga uu ka yahay milkiile.


Ma ahan buunbuunin, in la dhoho shirkaddaas teknolojiyadda ma guuleysan lahayn haddii aysan ahayn dadaalka adag ee uu ku bixiyay Jeff Bezos.
"In shirkaddan ahayd bakaahro loo badalo mid wax walba iibisa, waxay u baahan tahay maskax badan, qorsheyn la xiriirta in khatarta loo bareero iyo hal-abuur," waxaa sidaasi yiri saxafiga lagu magacaabo David Baker oo barnaamij uu ugu lagu magacabo "Inside the Mind of Jeff Bezos" sameeyay.
Jeff Bezos Higsiga ma ahayn  oo kali ah hal-abuurka ganacsiga, ee waxay ahayd mid ku saabsan waxyaabihii uu daneynayay".
Balse su'aashu waxay tahay sidee ayuu Jef ayuu dedaalkan ku gaadhsiyay shirkadiisa?
Waxaan halkan idiinku soo tusayna to 5 qodob oo heerka so gaadhsiyay Jef Bezos.

1. macamiil ama customer ya marwalba saxan 
Tom Alberg ayaa ku sheegay agaasimihii hore ee shirkadda Amazon, Mr Bezos "mid u dhashay ilaalin xuquuqda macamiishiisa".
Wuxuu intaa ku daray: "waxa na uu donaya in uu calamka wax ka bedelo, waxayna maskaxdiisa mar walba ku xiran tahay qancinta macaamiisha. Haddii aad lacag sameysid wax badan ayaad qaban kartaa."

2. Dhibaato kasta xal ayay leedahay marka laga fikiro hal-abuurna lala yimaado
Bezos, markii uu yaraa wuxuu aamin sanaa aragtida la xiriirta awoodda hal-abuurka.
Waxaa uu xilliyada xagaaga, waqti la soo qaadan jiray awowgii oo ku nool tuula yar oo ku taalla gobolka Texas, Waxaa uuna xilligaa hagaajin jiray wax walba oo farsameyn iyo hal-abuur u baahan.
Awoowgii ayaa mar waxaa lacag badan looga qaatay hal-abuurka arrimaha casriga ah, ka dib markii uu shil gaari uu galay, uuna ku waayay suulkiisa. Wuxuu galay qalliin loogu sameeyay suul macmal ah iyadoo la adeegsanayo qaab casri ah.
Waa sheekadan midda uu ilaa maanta ka sheekeeyo Bezos.

3. Dib u laabo ka dibna horey isu ballaari
Sunil Gupta, oo ah macllin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Harvard, ayaa hal-abuurka Amazon ku tilmaamay wax soo saar cusub iyo adeeg uu ku qeexay "dib u noqo ka dib-na horey isu ballaari," taasoo uu ku micneeyay in dib loo laabto oo la darso waxyaabihii sababay dhibaatooyiinka ay wajaheyso Shirkadda, ka dib-na horey loo socdo.
Waxay arrintani micnaheedu yahay in shirkadad Amazon ay ka fikirto waxa ay macaamiisheeda rabaan ka dib-na ay ka shaqeyso sidii ay u heli lahaayeen.

4. Mar walba waa maalinta ugu horeysa
Warbixin kasta oo sannadle ah oo ay soo saarto shirkadda Amazon, waxaa lagu soo daraa nuqul ka mid ah warqaddii ugu horeysay ee dadkii shirkada saamiga ku lahaa.
Waxaa khudbooyiinka lagu daraa muhiimadda ay leedahay in laga fakaro in maalintaas ay tahay "maalinkii ugu horeeysay" ee shirkadda, taasi oo micnaheedu yahay in mar walba la joogteeyo oo la sii wado baahidda iyo oonka loo qabo hal-abuurka iyo guusha ganacsiga.
In maalintaasi loo fakaro waxay tahay xilligii labad ee Bezos uusan khiyaarka lahayn.
Waa taa midda ay muhiimad u leedahay in loo fikiro in shirkadda ay maalintaas soo billaabatay, dhidibadana loo aasay," ayuu yiri.

5. Ka awood badi
Markii ay sida xowliga ah ku bilowdeen bogagga internet-ka, sannadkii 2000, oo amnigoodana uu halis ku jiray, Bezos wuxuu u bareeray halista wuxuuna Amazon u furay dad kale oo dibadda ah oo maalgashan kara. Waxay ahayd tallaabo lama filaan ah, wuuna ku faa'iday.
Meelaha uusan guulaha waaweyn ka gaarin waxaa ka mid ah in uu galay ganacsiga mobile-lada. Sikastaba, sida Bezos u aaminsan yahay in halista loo bareero waa mid aad u xoog badan.
Sidoo kale, Caadi ayay la tahay in uu isaga haro mashaariicda qaar, uuna ku daro waxyaabaha uu khibradda u soo yeeshay.
John Rosman, oo horey Amazon uga ahaa madaxa fulinta iyo qoraaga The Amazone Way, wuxuu sheegay in Jeff Bezos "uusan dan ka lahayn in uu gaaro go'aan uusan garaneyn meesha uu ku socdo iyo halka lagu gaari karo," waxaana tusaale u ah Teknolojiyadda Alexa.


Post a Comment

0 Comments