Haweeney 49 sano jir ah oo ku nool degmada Kilifi ee dalka Kenya ayaa waxaa ay dhashay 19 carruur ah, Hooyadan oo magaceedu yahay Mboze Munga Chiro, ayaa waxay heysataa 10 wiil iyo 9 gabdhood.
Canuga ay ku curatay waxaa uu jiraa 32 sano, halka guri dambeyskuna uu jiro laba sano. Haweeneydan ayaa nasiib wanaag sanad walba dhaleysay canug, dhamaan carruurteedana way bad qabaan, inkastoo ay ka saqiirtay hal gabar ah.
Mboze, yaraanteedii waxay soo martay nolol adag, taas oo ku qasabtay inay go'aansato in iyadoo yar guursato, Waxanay rajeyneysay in haddii ay guursato ay heli doonto waxyaabaha aasaasiga ah sida cuntada, dharka, iyo waxyaabo kale oo aysan markaas ka helin gurigooda.
Markii ay 17 sano jir ahayd, ayaa waxay is guursadeen nin ay is jeclaayeen, waxaa ayna sidaas ku billowday nolol cusub, Intaa kaddib waxay dhashay carruur, balse noloshu ma aysan fududeyn maadaama seygeeda uu ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha halka iyaduna ay dad kale u fali jirtay beerahooda.
Mboze waxay sheegtay in dadka deriskeeda ah ay ku qosli jireen maadaama ay sanad walba umuli jirtay, Inkastoo ay haweeneydaasi garaneyso magacyada carruurteeda, waxaa caqabad ku ah inay ogaato sida ay isugu xiigaan.
''Aniga dabcan ma garanayo sida ay carruurteyda isugu xiigaan, inta badan waxaan ku qasbanahay in aan mid mid u tiriyo si aan u ogaado, balse carruurteyda waan jeclahay ''. ayay tiri Mboze.
Canugeeda 13-aad oo la yiraahdo Jesicca Munga oo dhigata fasalka 7-aad, waxay sheegtay in aysan wax wanaagsan ahayn inaad ka dhalato qoys badan, maadaama ay xitaa ku adagtahay inay helaan wax ay ku quraacdaan.
''Cuntada xitaa mararka qaar way nagu adagtahay inay helno, haddii aan helnana, ma aha mid nagu filn", ayay tiri gabadheeda.
''Waxaan aaminsanahay in maalin maalmaha kamid ah aan heli donno cunto nagu filan, marka aan waxbarashada dhameeyana, waxaan doonayaa inaan noqdo qareen, si aan ugu yaraan waalidiinteyda ugu dhiso hoy si ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan" ayay intaasi raacisay gabadhaasi.
0 Comments