Guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee imaaraadka Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa ku amray ergada hay’adda Bisha Cas ee ku sugan Somaliya inay barnaamijyo bani’aadaminimo ka fuliyaan gobollada ay sida darran u saameysay abaartu ee gudaha Somaliya.
Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadaminimo ee Soomaaliya siiyey madaxa ergada Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya Mohamed Khamis Al Kaabi, kaasi oo sidoo kale faah-faahin ka siiyey sida ay howsha gargaarka u socoto illaa hadda.
Waxaanay sheegeen inaanay wax dadaal ah ka hagran doonin dadka caawinta u baahan ee somaliyeed iyo inay horu marin usamayn doonaan adeegyada noloshooda.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa illaa hadda ah kan kaliya ee gargaarka soo gaarsiiyey dadka ay abaartu saameysay ee Somaliya, ayada oo laba goor ay magaalada Muqdisho yimaadeen diyaarado gargaar sidaa.
Dalka Imaaraadku wuxuu gacan u fidiyay oo uu garab taagnaa shacabka Somaliyeed tan ilaayo xilliyadii ugu adkaa ee aynu u baahnayn garab saxiibtinimo.
Waxaana ka dhexeeya labada dal xidhiidh soo jireen ah oo aanay siyaasad xumo burin karin, waayo waa dalka kaliya ee si hagar la`aana u taakuleeya mar walba umada somaliyeed kuwooda dhibaataysan.
Waxaana xusid mudan inay xoojiyeen taakulaynta shacabka somaliyeed kadib markii uu RW Rooble ka raali-geliyey talaabadii ka baxsaneyd nidaamka diblomaasiyadda ee dowladda federaalku ula dhaqantay imaaraadka kadib markii ay garoonka Muqdisho kula wareegtay lacag ay leedahay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.
0 Comments