Hay`adda Bisha Cas oo Balaadhin Doona Dadaalka ay ka Wadaan Somaliya.

Gargaar Hay`adda Bisha cas.

Kooxda gurmadka ee hay’adda bisha cas oo haatan ku sugan Somalia ayaa tiraba dhawr mar gargaar bini’aadantinimo ufidiyay dadka barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka, yagoo fulinaya awaamirta sheekh Hamdan bin Zayed Al Nahyan.

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta ayaa halkeeda ka sii wada howlihii gar-gaarka dadka ay abaaruhu sameeyeen, si ay u yareyso dhibatooyinkii ka dhashay masiibadii abaareed ee ka dhacday Somaliya.

Waxaanay haatan soo gaba-gabeeyeen qabanqaabada Markab gargaar oo loo soo rari doono Muqdisho, kaasi oo sida boqollaal tan oo cunto iyo agab kale oo gargaar ah, si loogu kabo dadaallada ay hadda ka wadaan gudaha somaliya.

Hadaba barnaamijo badan oo ay hayadda bisha cas u qorshaysay shacabka somaliyeed ayaa waxa kamida in maalin walba kolonyo sidda gargaar bani`aadan-nimo lagu kormeeri doono goobaha ay abaaruhu sameeyeen ee gudaha dalka.

Sidoo kale waxay qaban-qaabinayaan biyo-siinta dadka ay abaaruhu sameeyeen, waxaanay ku talo jiraan inay booyado badan oo biyo sida soo mariyaan meelo badan oo kamida goobaha ay abaaruhu sameeyeen ee gudaha Somaliya.

Walina waxa socda gurmadka iyo gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu sameeyeen waxaana marba marka ka danbaysa sii badanaya tirada barakayaasha gargaarka ubaahan, iyadoo ay ugu wacan tahay abaarta baahsan ee ka jirta Somaaliya.

Post a Comment

0 Comments